Deegaanada ay illaa hadda Macawiisleyda ka qabsadeen maleeshiyada Al-Shabaab

Beledweyne (Caasimada Online) –  Milateriga Soomaaliya oo ay la socdaan maleeshiyo deegaanka ah ayaa dagaal ba’an kula jiray Al-Shabaab dhawrkii todobaad ee ugu dambeeyay deegaaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, waxaana la soo weriyayay khasaare nafeed oo baaxad leh. 

Dagaalkan ayaa boqolaal maleeshiyo looga dilay kooxda Al-Shabaab, inkasta oo ciidamada dowladda iyo kuwa shacabka uu dhankoodana khasaare gaaray balse aanu u xooganeyn sida midka Al-Shabaab la gaarsiiyey.  

Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in hawlgalka ay ka wadaan gobolka Hiiraan ay haatan diiradda ku saarayaan sidii la isugu furi lahaa waddada u dhaxeysa magaalooyinka Beledweyne iyo Buulaburde oo ay muddo sanado ah kala gooyeen ururka Al-Shabaab.

Hadalka Milatariga ayaa ku soo beegmaya iyadoo deegaanno hoos taga degmooyinka Maxaas, Buulo-Burde, iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan lagala wareegay Al-Shabaab. Deegaanna laga saaray Al-Shabab waxa kamid ah Teedaan, Hees, Sagalgeed, Geedasamo, Yaasooman, iyo Aboorey.

Waxa kaloo lagu guuleystay in la Isu furo waddooyinka u dhaxeeya magaalooyinka Beledweyne, Matabaan iyo Maxaas.

Dagaalka ayaa sidoo kale usii fiday dhinaca deegaanka Halgan, halkaasi oo shalay lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegtay dowladda.

War-saxaafadeed ay baahisay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu yiri, “Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada 5-aad ayaa howlgal ay ka sameeyeen degaanka Buuraha Camal oo qiyaastii 20km u jirta degaanka Halgan ee gobalka Hiiraan waxay ku dileen shan dhagar qabe oo ka tirsan Argagixisada Alshabaab.”

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Ciidanka Xoogga oo ku raad joogay firxadka maleeshiyaadka nafla caariga ah ee Alshabaab oo looga soo adkaaday dagaaladii ka dhacay gobalka oo ay iska kaashanayeen ciidanka qaranka iyo dadka deegaanka ee lagu xoreeyay deegaano badan ayaa sameeyay hawlgalkani si loo ciribtiro dhagar qabayaasha baxsadka ah ee lagu jabiyay dagaalka.”