BF oo gaaray go’aan niyad jebiyey Xasan Sheikh

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar goor dhaw aan ka helnay xarunta baarlamanka ayaa noo sheegay in maanta uu baarlamanka ansixiyay muddo kororsigii fasaxa xagaaga ee lagu waday in uu bilowdo bishan Ogosto 28 ilaa Bisha Oktober 27 ee sanadkan.

Go’aankan oo horay u soo gaareen guddiga joogtada ah ayaa maanta cod loo qaaday, iyadoo xildhibaanada oo dhan ay siiyeen codkooda in aanan fasax la gelin inta laga ansixinaayo hindisyo sharciyeedyada hor yaalla baarlamaanka, doodna laga gelinaayo mooshinka laga keenay Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa aad ugu ololeynayey inaan waqtiga loogu darin baarlamanka, si uu uga faa’iideysto inuu isaga dajiyo cadaadiska saaran, balse hamigiisa waa uu ku fashilmay.

Mid ka mid ah xoghaynta guddoonka baarlamaanka ayaa noo sheegay in uu sharci hoosadka baarlamaanka uu qabo in aanan fasax lagelin iyadoo ay yaalaan howlo muhiim ah.

Go’aankan ayaa waxaa u ku noqonayaa dhabar jab Madaxweynaha, waayo waxaa uu ku hami weynaa in uu baarlamaanka geliyo fasax labo bilood ah taasoo siin lahayd fursad uu ku kala furdaamiyo xiisadda siyaasadeed.

Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa iyaguna u arka in arrintan aay markhaati u tahay xowliga iyo baaxadda uu leeyahay Mooshinkan, kaasoo aay inta badan dadku saadaalinayaan in madaxweynaha uusan codka mooshinka sugi doonin, balse uu is casili doono.

Waxaa sidoo kale Baarlamaanka JFS aay maanta ansixiyeen hindise sharciyeedkii Hanti Dhowrka Qaranka.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com