Boqoraddii UK, QUEEN Elizabeth II oo geeriyootay

London (Caasimada Online) – Boqorad Queen Elizabeth II, oo aheyd boqoraddii ugu muddada dheereyd ee taariikhda UK, ayaa maanta geeriyootay ayada 96 jir ah, waxaa sidaas ku dhowaaqay qasriga boqortooyada ee Buckingham Palace.

Wiilka ugu weyn carruurteeda, Charles oo ah 73 jir, ayaa deg deg u noqonaya boqorka, sida ku cad xeerka qarniyada soo jiray ee boqortooyada, taasi oo waa cusub u billaabeysa boqortooyada.

“Boqoradda waxay si nabdoon galabta ugu geeriyootay Balmoral [Scotland],” waxaa sidaas lagu yiri bayaan kasoo baxay qasriga Buckingham Palace.

“Wufuudda Boqorka iyo Boqortooyada waxay sii joogi doonaan Balmoral illaa caawa, waxayna London ku laaban doonaan berri.” 

Queen Elizabeth ayaa aheyd boqorad tan iyo 6-dii February 1952-kii, markaasi oo ayada oo 25 jir ah ay beddeshay aabaheed Boqor George VI, waxayna xilka boqortooyada haysay 70 sano.

Geerida ayaa lagu dhowaaqay saacado kadib markii qasriga boqortooyada ee Buckingham Palace uu sheegay in dhaqaatiirta “ay walaac ka muujiyeen” caafimaadkeeda, islamarkaana soo jeediyeen in korjoogteyn caafimaad lagu hayo.

Elizabeth, oo ah 96 jir, ayaa waxaa tan iyo bishii October ee sanadkii tegay haystay dhibaatooyin caafimaad oo ka dhigay inay ku dhibtooto inay istaagto.

Waxay ka tagtay afar carruur oo kala ah; Prince Charles, oo ah 73 jir iyo dhaxal-sugaha, Princess Anne oo ah 72 jir, Prince Andrew oo ah 62 jir iyo Prince Edward oo ah 58 jir.

Isha: AFP + VOA