Alpha Group oo laga saaray Hotel Hayat iyo Haramcad oo la wareegay howlgalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya hotel Xayaat yaa sheegaya inuu weli socdo howlgalka hotelkaas oo ay gudaha u galeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegayay in Hoteelka laga saaray ciidamadii Alpha Group ee illaa xalay halkaas ka dagaalamayey, waxaana lagu beddalay kuwa ka tirsan ciidamada booliska Haramcad.

Ciidamada Haramcad oo aad u badan oo uu hoggaaminayo Farxaan Qaroole ayaa gudaha Hotelka galay, waxaana hadda socoto rasaas xooggan oo ay is dhaafsanayaan ciidamada Haramcad iyo kuwa Al-Shabaab.

Sida ay saraakiil ka tirsan dowladda u sheegeen Caasimada Online, waxaa la toogtay illaa 2 kamid ah dagaalyahanadii Al-Shabaab, waxaana hadda weli la rumeysan yahay inay gudaha ku jireen tiro kale oo aan la aqoon inta ay le’eg yihiin inkasta oo warar ay sheegayaan inay yihiin laba kale.

Howlgalkaan oo qaatay saacado badan ayaa soo bilowday xalay markii ay kooxda Al-Shabaab hotelka ku qabsadeen weerar ku bilowday qaraxyo is qarxin ah oo gaarayo illaa 3 qarax.

Meydad hor leh ayaa laga soo saaray gudaha Hotelka, waxaana jiro burbur xoog leh oo gaaray Hotelka iyo guryaha u dhow dhow.

Khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarkaan, waxayna dhimashada ku dhowdahay illaa 20 halka uu dhaawaca kor usii dhaafayo 40.

Wixii kusoo kordha kala soco Caasimada Online