Ciidamada Puntland oo la wareegay Qandala iyo warar sheegaya in….

Garoowe (Caasimada Online) – Dagaal aad u xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidamada maamulka Puntland iyo Maleeshiyaadka Daacishta Somalia.

Dagaalka ayaa waxaa qaaday Ciidamada maamulka Puntland waxaana ka dhashay khasaara kala duwan oo labada dhinac soo kala gaaray.

Dagaal Saacado kooban socday kadib ayaa waxaa Ciidamada maamulka u suuragashay inay la wareegan Degmada Qandala oo ku jirtay gacanta Daacishta Somalia.

Saraakiisha maamulka ayaa sheegay inay la wereegen gacan ku heynta Degmada Qandala waxa ayna intaa raaciyeen in dagaalka ay ku dileen maleeshiyaad dhowr ah.

Lama sheegin tirada saxda ah ee Maleeshiyaadka Daacish looga dilay Dagaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com