Guddiga doorashada dalka KENYA oo shaaciyey natiijo RASMI oo horudhac ah

Nairobi (Caasimada Online) – Raala Odinga ayaa ku horreeya tartanka doorashada madaxweynaha Kenya, sida ay muujineyso qeyb ka mid ah natiijada rasmiga ah ee ay sii daayaan guddiga doorashada.

Odinga ayaa codad ah 52.5 boqolkiiba ku hoggaaminaya madaxweyne ku-xigeenka dalkaas William Ruto oo haysta 46.7 boqolkiiba, sida ay muujineyso natiijada doorashada ee ay daayeen gudidiga, taasi ah 30 boqolkiiba goobaha codbixinta.

Doorashada ayaa si dhow loo daawanayaa, ayada oo ay tijaabo u tahay xasilloonida Kenya, oo ah mid ka mid ah dalalka ugu dimoqraadiyadda wanaagsan Afrika, balse ay horey uga dhaceen codbixino ay hareeyeen rabshado iyo eedo ku shubasho. 

Ayada oo ay aad u dheeraatay shaacinta natiijada, ayaa guddiga waxay Jimcihii qireen in hanaanka tirinta uu ku socdo si tartiib ah, waxayna shacabka ka codsaeen inay dulqaad muujiyaan.

Odinga, oo 77 jir ah ayaa markiisii shanaad raadinaya xilka ugu sarreeyaa Kenya, balse waxa uu markan haystaa taageerada madaxweynaha xilka ka degaya Uhuru Kenyatta oo mar ay xifaaltami jireen.

Ruto, oo 55 jir ah ayaa madaxweyne ku-xigeen ahaa ku dhowaad 10 sano, hase yeeshee waxaa la go’doomiyey markii ay heshiis gaareen Uhuru iyo Odinga sanadii 2018, taasi wax weyn ka beddeshay xulufeysigii siyaasadda Kenya. 

Codeynta ayaa waxaa ka qeyb-galay 65 boqolkiiba dadka is-diiwaangeliyey, taasi oo ka hooseysa codeyntii 2017 oo ay ka qeyb-galeen 78 boqolkiiba cod-bixiyayaasha.

Musharaxa ku guuleysanaya loolanka madaxweynaha ayaa waxaa qasab ah inuu helo 50 boqolkiiba oo lagu daray hal guud ahaan codadka, iyo 24 ka mid ah 47-ka degmo doorasho ee Kenya.

Haddii aysan sidaas dhicin, waxaa qasab noqon doonto in muddo 30 maalmood gudahood ah lagu qabto doorasho kale oo kala bax ah.

Labada musharaxba waxay ballan-qaadeen inay xaqiijin doonaan xasilloonida haddii natiijada lagu dhowaaqo, ayada oo shacabka Kenya weli ay xusuustaan rabshadihii ka dhashay doorashooyinkii 2017 iyo 2007.

Hase yeeshee, kormeerayaasha caalamiga ah ayaa sheegaya in maadaama aad ay isugu dhow yihiin labada musharax, ay u badan tahay in midka laga guuleysto uu u dacwoon doono maxkamadda sare, taasi oo ka dhiggan inay toddobaadyo qaadan doonto in madaxweynaha cusub oo xafiiska la wareego.