Deg deg: Guddoomiye Jawaari oo ka hadlay inuu is casilay iyo in kale

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ka hadlay wararka sheegaya inuu xilka is casilay.

Guddoomiye Jawaari ayaa xaqiijiyey inuu xilkii guddoomiyenimada iska casilay, isagoo go’aansaday inuu xilka ka dego markii uu eegay arrimo fara badan, wuxuuna BBC-da u xaqiijiyey inuu xilka isla casilay, isagoo diiday inuu faahfaahin ama wareysi dheeraad ah ka bixiyo.

Arrintan ayaa soo afjareysa wararkii la isla dhex marayey ee ku saabsanaa is-casilaadiisa oo ay hore u xaqiijiyeen Madaxweynaha, iyo xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.

Jawaari oo hore u sheegay inuu madaxweynaha ka codsaday inuu is casilo isaguna uu diiday, basle waxaa lagu wadaa inuu Arbacadda si rasmi ah is-casilaadiisa uga dhawaaqo kulan ay yeelanayaan Baarlamaanka Soomaaliya.

Barqanimadii maanta ayay ahayd markii Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha shacabka uu ka hor akhriyay qaar ka mid ah xildhibaanadii mooshinka ka gudbiyay Jawaari in uu iska casilay kulankii lagu madalsanaana uu baaqday.

Muddo 26 maaalmood ah ayaa waxaa dalka ka socday qalalaase siyaasadeed oo ka dhashay soojeedin ama mooshin ahaa in guddoomiye Jawaari codka kalsoonida lagala noqdo.

Jawaari ayaa qudhiisa sheegay in madaxweynaha uu ka codsaday in uu is casilo, balse uu isagu diiday in uu iscasilo, wuxuuna ku adkeystay in cod kaliya uu ku bixi doono.