Madaafiic maanta lagu garaacay xarumaha DFS ee MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, ayaa waxaa laga maqlayaa dhawaqa Hoobiyayaal la sheegay inay ku dhacayaan qaar kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

Hoobiyayaasha oo dhowr xabo ah ayaa la sheegay in lagu garaacay goobo farabadan oo ay ku jiraan goobo ganacsi kuwaasi oo sida la sheegay ay burbur soo gaaren.

Goobaha ay Hoobiyayaasha ku dhaceen ayaa u badan degmada Shangaani ee gobolka Banaadir, kuwaasi oo badi ku dhacay agagaarka Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.

Dadka degmada ayaa sheegay inay maqleen dhawaaqa illaa dhowr xabo Hoobiye kuwaasi oo siyaabo kala duwan ugu dhacay degmada.

Hoobiyayaal kale ayaa la sheegay inay ku dhaceen degmooyin kale kuwaasi oo aan la garaneynin halka laga soo tuuray.

Hoobiyayaasha qaarkood ayaa waxaa ku dhintay dad shacab ah oo wado maraayay halka sidoo kale uu dhaawac kasoo gaaray dad kale.

Ma jirto warbixin kasoo baxday dhanka Hay’adaha amaanka iyo kan Gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com