Mas’uul sare oo DFS ka tirsan oo goor dhow dhaawac culus loogu geystay….

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow kasoo baxay Xafiiska Wasiirka wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Maareeyaha Garoonka Muqdisho Cali Madoobe usan dhiman.

Maxamed Qoorsheel Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Siciid ayaa tilmaamay in Cali Madoobe uu yahay dhaawac, islamarkaana ay Dhakhaatiirta Caafimaadka ku dadaalayaan sidii uu ku heli lahaa Caafimaad.

Wasiir Maxamed Qoorsheel waxa uu sidoo kale, Cadeeyay in Cali Madoobe uusan dhiman oo uu xiligaani nool yahay, balse ay dhinteen qaar kamid ah ilaaladiisa, oo xilliga gaariga la rasaaseenaayay la socday baabuurka.

Dhanka kale, Cali Madoobe oo ahaa Maareeyaha Garoonka Muqdisho ayaa waxaa hada xaaladiisa caafimaad lagu dabiibaayo Isbitaalka Xalane ee Amisom.

Inkastoo Wasiir Qoorsheel uusan si dhab ah faah-faahin uga bixin dhaawaca culus ee soo gaaray maareeyaha Garoonka Muqdisho, ayaa warar lagu kalsoon yahay, waxa ay xaqiijinayaan in dhaawaca Cali Madoobe uu yahay mid aad u culus.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdishio

Caasimada@live.com