Maxkamadda Sare ee dalka Kenya oo go’aan rasmi ah ka gaartay doorashadii RUTO

Nairobi (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa ayidday doorashadii William Ruto ee madaxweynaha shanaad ee dalkaas, taasi oo soo geba-gebeysay isku day uu musharaxii laga guuleystay Raila Odinga ku doonayey inuu meesha kaga saaro. 

Dhammaan garsoorayaasha Maxkamadda, oo ay hoggaamineysay guddoomiyaha Maxkamadda Sare Martha Koome, ayaa isku raacay in la tuuro codsiga isbahaysiga Azimio la Umoja ee Odinga, oo ku dooday in ku dhowaaqista Ruto ee madaxweynaha Kenya ay tahay mid aan waxba ka jirin. 

Odinga ayaa codsiga ugu gudbiyey Maxkamadda Sare bishii tagtay, isaga oo ku dooday inuu hayo “caddeymo ku filan” oo uu ku muujiyo inuu dhab ahaan isaga ku guuleystay doorashada.

Garsooreyaasha Maxkamadda ayaa labadii toddobaad ee tegay ku bixiyey inay baaraan baakado ay ku jiraan dukumentiyo la sheegay inay yihiin caddeymo, si ay u helaan caddeymo ku filan oo ay ku nasakhi karaan natiijada doorashada.

Baaritaan dheer kadib, Maxkamadda Sare ayaa diiday dhammaan sagaalkii ashtako ee saldhigga u ahaa loolanka laga keenay natiijadii doorashada ee guusha ku siisay Ruto dhibco kayar boqolkiiba laba.

Kooxda Odinga ayaa ku dooday in dad computer jabsada ay jabsadeen akoonada IEBC kadibna ay geliyeen natiijooyin horey loo diyaariyey, balse taas waxaa diiday Maxkamadda Sare.

Hase yeeshee, guddoomiyaha Maxkamadda Sare Martha Koome ayaa sheegtay in teknoolajiyadda ay adeegsadeen guddiga madaxa-banaan ee doorashada ee IEBC ay kasoo baxeen heerkii “Sharaf, xaqiijin, amni iyo daah-furnaan” ee looga baahnaa.

Waxay intaas ku dartay inaysan helin wax caddeymo ah oo muujinaya inay doorashada ka dhaceen khaladaad beddeli karay natiijada. 

“Khaladaadku uma baaxad weyneyn heer ay saameyn ku yeeshaan natiijada kama dambeysta ah ee doorashada madaxweynaha,” ayey tiri guddoomiye Koome.

“Kani waa go’aan loo wada dhan yahay. Dhammaan codsiyadii waa lagu gacan sayray, sidaas darteed, waxaan halkan uga dhowaaqeynaa in Ruto uu yahay madaxweynaha la doortay,” ayey tiri guddoomiyaha Maxkamadda Sare Martha Koome.

Ruto oo 55 jir ah, islamarkaana ah madaxweyne ku-xigeenka Kenya ee iminka, ayaa lagu wadaa inuu xilka madaxweynaha la wareego 13-ka September.

Ruto iyo Odinga ayaa labaduba horey u ballanqaaday inay aqbali doonaan xukunka Maxkamadda Sare.