Ra’iisul wasaaraha cusub ee Britain oo lagu dhowaaqay

London (Caasimada Online) – Liz Truss ayaa maanta loo magacaabay inay noqoto ra’iisul wasaare xiga ee Britain, ayada oo ku guuleystay hoggaanka xisbiga talada haya ee Conservative-ka.

Kadib toddobaadyo loolan adag ah, oo siyaasiyiin badan ay u tartameen hoggaanka xisbiga, waxaa tartankii ugu dambeeyey isugu soo haray Liz oo ah wasiirka arrimaha dibedda iyo wasiirkii hore ee maaliyadda Rishi Sunak.

Codeyn loo qaaday labada xildhibaan ayaa waxaa ku guuleystay Liz Truss oo heshay 81,326 ah codadka xubnaha xisbiga Conservative-ka, halka Rishi Sunak uu ka helay 60,399 cod.

“Waxaan u baahannahay inaan wax qabad gaarsiino shacabka labada sano ee soo socota. Waxaan gudbin doonnaa qorshe geesinimo ah oo aan ku dhimayo canshuuraha kuna kobcinayo dhaqaalaheena,” ayey tiri Truss.

“Waxaan wax ka qaban doonaa xasaradda tamarta [qiimaha shidaalka iyo gaaska], waxaan wax ka qaban doonaa biilasha tamarta ee shacabka, balse inaan yeelano qorshe muddo fog aan ku xalineyno tamarta,” ayey tiri.

Guusha Liz Truss ayaa ka dhigan in Boris Johnson uu wareejin doono xilka ra’iisul wasaaraha oo lagu qasbay bishii July inuu iska casilo kadib bilo ay hareeyeen fadeexado, islamarkaana uu lumiyey taageerada xisbigiisa.

Johnson ayaa Talaadada u safri doona Scotland oo ay ku sugan tahay boqorad Queen Elizabeth, si uu ugu dhiibo is-casilaaddiisa. Wxaaa kadib boqoradda u tagi doona Liz Truss oo ka codsan doonta inay soo dhisto dowlad.

Truss oo 47 jir ayaa noqon doonta ra’iisul wasaarihii afaraad ee xisbiga Conservative-ka ee tan iyo 2015. 

Truss, oo ah wasiirka arrimaha dibedda ee dowladda Johnson, ayaa ballanqaaday inay si deg deg ah wax uga qaban doonta sicir-bararka iyo qiimaha nolosha shacabka oo sare usii kacaya.

Waxay sidoo kale ballan-qaaday inay magacaabi doonto gole wasiiro oo xooggan, iskuna dayi doonto inay hesho taageerada xubnihii xisbiga ee loolanka la galay oo uu ku jiro Rishi Sunak.