Raila Odinga oo ku gacan sayray natiijada doorashada, sheegay tallaabo uu qaadayo

Nairobi (Caasimada Online) – Musharaxa looga guuleystay doorashada dalka Kenya Raila Odinga ayaa ku gacan sayray natiijada doorashada ee ay shalay ku dhowaaqeen guddiga doorashada madax-banaan. 

Odinga yaaa sheegay in ku dhowaaqista guddoomiyaha guddiga Wafula Chebukati ee ah inuu William Ruto ku guuleystay doorashada ay tahay “waxba kama jiraan.” 

Waxa uu intaas ku daray in Chebukati uusan ka awood badneyn xubnaha kale ee guddiga, kuwaasi oo afar ka mid ah ay diideen natiijada uu shaaciyey ayaga oo sheegay inaysan ku raacsaneyn.

“Waxa aan shalay argnay (Isniintii) waxay ahaayeen ceeb iyo xashmad darro cad oo lagu sameeyey dastuurka Kenya,” ayuu Raila ka yiri shir jaraa’iid oo uu ku qabtay Nairobi.

Waxa uu wacda ku maray inuu adeegsan doono wax kasta oo sharci ah si uu uga loolamo natiijada.

“Ma doonayo inaan si buuxda uga hadlo waxa ay xeeladaheena xiga yihiin hase yeeshee… waxaan raadin doonnaa dhammaan ikhtiyaarada sharciga iyo dastuuriga ah ee aan heli karno,” ayuu yiri.

Hoggaamiyaha isbaheysiga Azimio la Umoja ayaa sheegay in Mr Chebukati uu xushmad darro u muujiyey dastuurka, isaga oo natiijada si iskiis oo hal dhinac ah ugu dhowaaqay.

Waxa uu ku dooday in guddoomiyaha uu sidoo kale ahaa qofka kaliya ee arki karay natiijada, islamarkaana uu isaga u sheegay xubnaha kale ee guddiga, isaga oo aan u ogolaan inay arkaan ama kala hadlaan natiijada. 

“Guddoomiyaha xushmad darro ayuu u muujiyey dastuurka… Azimio waa ay diideen natiijada doorashada madaxweynaha ee uu ku dhowaaqay Mr Chebukati,” ayuu yiri Raila Odinga. 

Mr Odinga ayaa  ugu baaqay taageerayaashiisa inay nabadda iyo deganaanshaha joogteeyaan, islamarkaana isbaheysiga ay marinno sharci ah u mari doonaan inay sharci-darro ka dhigaan natiijada u uku dhowaaqay Chebukati.

Odinga ayaa horey u sheegay in laga khiyaanay guulo uu ka gaaray doorashooyinkii dhacay 2007, 2013 iyo 2017, waana markii shanaad ee doorasho madaxweyne looga adkaado.

Guddoomiyaha guddiga, Chebukati ayaa shalay sheegay in Ruto uu helay 50.49% codadka, halka Odinga uu ka helay 48.5%, sidaasna Ruto ku guuleystay.