Xoghayihii wasaarada arimaha gudaha oo lagu toogtay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa faah-faahin laga helayaa dilka mas’uul ka tirsan wasaarada arrimaha gudaha oo loogu geestay xaafad ku taalla degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Ninkan oo lagu magcaabi jiray Maxamuud Maxamed Sheekh Sadiiq, waxa uu ahaa xog-hayihii wasaaradda arrimaha gudaha, waxaana dishay haweeney uu qabay, sidda ay lee yihiin dadka deeganka.

Ninkan ayaa la sheegay in xaaskiisa ay ku toogastay baastoolad uu watay xilli uu jiifay, sidda ay lee yihiin dadka deeganka.

Waxaa kaloo wararka ay sheegayaan in ninkan uu qabay xaasas kale, oo xaley ayuu u hoyday xaafadda lagu dilay.

Ilaa hadda ma cadda sababta ay u dhisay sarkaalkan oo ka tirsanaa wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com