Dhammaan shanta dowlad goboleed oo xiriirka u jaray wasaaradda maaliyadda DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamul goboleedyada Soomaaliya ee kala ah Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqay inay xiriirka u jareen wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Kulan foggaan arag ah oo ay yeesheen shanta wasiir maaliyadeed ee dowlad goboleed ayaa waxay ku sheegeen in aanay wax wada shaqeyn jiri doonin inta wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka kusoo laabaneyso xeyndaabka sharci iyo fulinta heshiisyadii ay horay galeen.

Maamul goboleedyada ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda ay jabisay heshiisyadii horey oo kala saxiiday ee kala ahaa:

1- Heshiiskii Addis Ababa ee sanadkii 2019
2- Heshiiskii Kismaayo ee September 2019
3- Heshiiskii Kampala ee December 2019
4- Heshiiskii Nairobi ee January 2020
5- Heshiiskii Muqdisho ee August 2020.

Tallaabada ay qaadeen maamul goboleedyada ayaa ka dhigan caqabaddii ugu horeysay ee soo wajahda dowladda cusub ee ay hoggaamiyaan Xasan Sheekh iyo Xamza Cabdi Barre.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda sida wadajir ah ay u saxiixeen shanta maamul goboleed.