Weerarka Hotel Xayaat oo noqday kii ugu muddada dheeraa ee Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerarka ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday hotel Xayaat ee Muqdisho ayaa noqday weerarkii ugu muddada dheeraa taariikhda ee kooxdaas ay ku qabsato hotel ama xarun kale.  

Weerarkaas oo billowday xalay abaare 7-dii habeennimo ayaa hadda dhaafay muddo 24 saac, waxaana weli dagaalyahanada kooxdan laga saari la’yahay hotelka oo ku yaalla agagaarka isgoyska KM4 ee Muqdisho. 

Waa arrin weli jawaab loo la’yahay sida dhowr dagaalyahan oo kooxdan ka tirsan ay u awoodeen inay boqolaal ka mid ah ciidamada dowladda iska caabiyaan muddo ka badan 24 saac. 

Fashilka arrintan ka dhashay ayaa horseeday in Hoteelka laga saaray ciidamadii Alpha Group ee illaa xalay halkaas ka dagaalamayey, waxaana lagu beddalay kuwa ka tirsan ciidamada booliska Haramcad.

Ciidamada Haramcad oo aad u badan oo uu hoggaaminayo Farxaan Qaroole ayaa gudaha Hotelka galay, waxaana hadda socoto rasaas xooggan oo ay is dhaafsanayaan ciidamada Haramcad iyo kuwa Al-Shabaab, balse Al-Shabaab ayaa weli laga saari la’yahay hoteelka.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo soo gaaray dadkii daganaa Hotelka iyo kuwa kale oo ku sugnaa meelo u dhow Hoteelka. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaas ku geeriyooday illaa 25 qof halka uu dhaawac intaas ka badan yahay 30.

Wararka qaar ayaa sheegayay in weerarka oo soo afjaristiisa dheeraatay ay u sabab u tahay kooxda weeraray ee gudaha u galay oo hub fara badan oo miinooyin u badan, kuwaas oo ay dhigeen gudaha hoteelka.

Miinooyinka ayaa qaarkood lagu soo cabeeyey caagagta saliidda, waxaana la dhigay gudaha hoteelka, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo amni.