Xasan Sheekh oo Jeneraal Cabdalla Cabdalla dib ugu soo celiyey darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidannimo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xeer Madaxweyne dib ugu soo celiyey Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, dhammaan darajooyinkii iyo xuquuqdii ciidan ee uu ku lahaa Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka.

Madaxweynaha ayaa digreetadaan u cuskaday qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaar ah ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku saleeyey Xeerkan Madaxweyne, sharciga dhismaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee Lr. 14, soona baxay sanadkii 1970-kii.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu qaatay go’aankaan kadib markii uu codsi u soo gudbiyey Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, sidoo kalena uu eegay muhiimadda ay leedahay in dib loo soo celiyo xuquuqdiisa iyo darajooyinkiisa ciidan, si waafaqsan dastuurka iyo sharciyada dalka.

“Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed, laga bilaabo maanta oo aan saxiixay xeerkan Madaxweyne, waxa uu xaq u yeelanayaa dhammaan xuquuqda ciidan ee sharcigu uu u ogolyahay, iyadoo xeerkani uu baab’inayo dhammaan wixii xeer ah oo ka horreeyey,” ayaa lagu yiri dikreetadaan ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha.

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay maanta oo ay taariikhdu ahayd 30-ka Ogoosto  2022, oo ah markii lagu baahiyey faafinta rasmiga ah ee dowladda.

15-kii bishaan Agoosto ayuu madaxweyne Xasan sheekh sidaan oo kale Jeneraal Saadaq Joon dib ugu soo celiyey darajooyinkiisii ciidanimo iyo xuquuqdii uu ku lahaa ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Labadaan sarkaal waxaa horay darajooyinka uga xayuubiyey Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaana hadda dib u buriyey Madaxweyne Xasan Sheekh oo xukunka kala wareegay.