Wararki ugu dambeeyay Kismaayo & Ciidamada huuwanta oo ka baxay.

Kismaayo Caawa waxaa la xaqiijiy inay Isaga Wada baxeen Ciidamada Huwanta ee maanta galay  Mudo sanad ay damacsanayeen la wareegideeda.

Ciidamada ayaa maanta waxaa ay magaalada ka dageen dhowr xaafadooda,Sida Saldhigii Degmada,Xabsiga,Airporka,Bangiga iyo meelo kale kuwaas oo ay caawa aysan joogin.

Cutubyadii ugu dambeeyay ayaa caawa goordhow ka baxay Kismaayo kadib markii ay heleen amar ah inay Magaalada Dibada ugu soo baxaan.

Dadka reer Kismaayo ayaa caawa Shabakada Caasimada u sheegay Inaysan la joogin ciidamada dowlada ayna  ku seexanayaan Maamul la’aantii ka jirtay magaalada.

Warar kale ayaa sheegaya in ka baxida Kismaayo Dowlada ay tahay iyagoo markii horaba maanta fasax la’aan ay ku galeen ayna dib u soo celiyeen Wasaarada gaashaandhiga dowlada iyo Amisom.

Halka Warar kale sidoo kale ay sheegayaan inay ka baqeen in magaalada lagu soo weeraro laguna soo qaado weeraro bambaano.

Afhayeenka Ururka Raaskambooni ayaa sheegay isagana caawa in magaalada beri ay ku laaban doonaan.