Demetrio Albertini: Milan waa inay heysataa tababareheeda Massimiliano Allegri.

Halyeeygii kooxda AC Milan Demetrio Albertini ayaa u sheegay kooxdiisii hore ee Rossoeri inay ceshto tababareheeda Massimiliano Allegri.

Kooxda ka dhisan San Siro ayaa si xun ku bilaabatay Horyaalka – tiiyoo ay kusoo darsatay koobka kooxaha Yurub – laakiin 41 jirkaan ayaa maanka ku haaya in kooxdu ay kalsooni siiso tababaraha.

“Milan waa inay ilaashataa Allegri,” ayuu ku yiri shir jaraa’id.

“Mashruuc walba ee tababare wuxuu u baahan yahay in la siiyo waqti. Waana in wadajir loo shaqeeyaa si loo helo natiijooyin fiican.”

Milan ayaa ku jirta kaalinta 15aad ee Serie A, waxayna keliya todobo dhibcood ka heshay sideedii kulan ee furitaanka Horyaalka, iyadoo ay guul darro 1-0 ah kasoo gaartay kooxda Malaga ciyaar ka tirsan Champions League, taasoo la micno ah inay 11 kulan oo caalami ah soo xareysato guul darradeedii lixaad.

Wararka ayaana soo jeedinaaya in Milan ayba horay u diyaarsatay bedelka Allegri kaasoo lasoo sheegayo inuu noqon doono Frank Rijkaard.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.