Saciid Deni iyo Aaran Jaan oo kala tagay iyo PUNTLAND oo loolan cusub gashay

Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa iclaamiyey dagaal siyaasadeed cusub kadib markii uu xeendaabkiisa dowliga ah ka saaray kooxda Aaran Jaan ee markii hore ay xulufada iyo shirkada siyaasadeed ahaayeen.

Wasiirkii ugu awoodda badnaa nidaamka Puntland dhowrkii sano ee lasoo dhaafay Xasan Shire Abgaal ayaa banaanka laga dhigay xukuumadda Puntland, wuxuu ahaa wasiirka maaliyadda, ayada oo uu xilkaas ku waayey isku shaandheyn uu shalay sameeyey Deni.

Damaciisa doorashada 2024 iyo sida uu ugu adkeysanayo sii socoshada kaltanka beelaha ee hoggaanka Puntland ayaa loo arkaa sababta uu Saciid Deni u badalay Xasan Shire Abgaal.

Xil ka qaadista Xasan Shire Abgaal waa ka macno badan tahay kuwii ka horreeyey, sababta waa inuu kamid ahaa milkiilayaasha maamulka Saciid Deni.

Ninkaan oo ay Deni shirko ku ahaayeen dagaalkii Boosaaso iyo qorshihii doorashada madaxweynaha Soomaaliyan wuxuu matalayey koox siyaasiyiin ah oo isku xiran oo reer Puntland ah badankoodna ay magaalada Garoowe kasoo jeedaan kuwaas oo ay dadku ku xantaan magaca Aaran Jaan.

Iyadoo ay 15 bilood ka dhiman tahay muddo xileedka Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa durba Puntland ka bilowday ololaha doorashada, siyaasiyiin isku aragti ah ayeyna dantu kala waday.

Kooxda uu hormuudka u yahay wasiirka xilka laga qaaday waxaa lagu eedeynayaa inay doonayaan in kaltanka beeluhu uu sidiisa usoo socdo oo maalinba uu reer xukumo Puntland.

Beesha dagan caasimadda Garoowe waxay jilbo culustooda siyaasadda ku xisaabtamayaan in doorkoodii la joogo oo Gaalkacyo iyo Qardho aysan fursad laheyn, laakiin Deni iyo kooxdiisa waxay sheegayaan inay muhiim tahay in laga gudbo kaltan beeleedkaas. Qaabka looga gudbaayo ayaan weli heshiis laga gaarin.

Saciid Deni ayaa seddex deegaan horey uga qabtay doorasho dadweyne oo tijaabo ah, waxayna hadda kooxdiisa sheegeysaa in loo baahan yahay in waqtiga haray lagu dhameystiro doorashada deegaanada kadibna la qabto doorasho qof iyo cod ah.

Dadka dhaliilsan Saciid Cabdullaahi Deni waxay leeyihiin shaqo badan lagama qaban arrimaha doorasho dadweyne, sidaas darteed waa in doorkaan sidii hore lagu celiyaa, halkaan waa dariiqa kala leexiyey Deni iyo Aaran Jaan.

Horey Saciid Deni waxay gudaha Puntland isugu hayeen ilmo Diyaano oo siyaasad ahaan iyo ciidan ahaanba saameyn xoog leh ku leh deegaanada Puntland, inuu lumiyo Aaran Jaan waxay ka dhigan tahay ayaa la leeyahay inuu galay dagaal laba afle ah oo aan natiijadiisa laga hor dhici karin.