DENI oo qaaday tallaabo ka dhan ah mas’uul dacwad ka gudbiyey xukuumaddiisa

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Puntland, oo hore dacwad uga gudbiyey wasaaraddo kamid ah xukuumaddiisa.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa xilkaasi si kumeel gaar ah loogu igmaday Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Waddooyinka, oo asagu sii wadi doona shaqada Hay’adda.

Xil ka qaadista Cabdulqaadir Cali Xirsi, Guddoomiyihii Hay’adda Wadooyinka Puntland ayaa waxay imaneysa labo maalin kadib markii uu soo saaray qoraal ku eedeynayo in dakhligii hay’adda ay si toos ah ula wareegen Wasaaraddaha Maaliyadda, Howlaha Guud iyo Qorsheynta ee maamulka Puntland.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dacwadii ay Hay’addu ka gudbisay Wasaaraddaha ay sababsatay in laga joojiyo adeegii hay’addu ku dabooli jirtay Shidaalka, Korontada, Biyaha, Internet-ka IWM.

“Hay’adda waxaa laga goostay korontadii laga soo bilaabo bishii June 2021-ka illaa iyo haatan wey maqan tahay korontadu. In dhakhliga hay’adda PHA usoo xarooda ay Wasaaradda Maaliyada soo dhaafi waydo, markii laga reebo mushahaarka Shaqaalaha, In dowrkii hay’adda PHA si toos ah ula wareegeen Wasaaradda Maaliyadda, Qorsheynta iyo Howlaha guud iyo gaadiida Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray Guddoomiyihii Hay’adda Wadooyinka, ka hor inta aan laga qaadin xilka.

Waxa kale oo uu qoraalkaas uu ku sheegay in Wasaaradahaas ay si sharci darro ah ku bixiyeen qandaraasyo waddooyin lagu dhisayo, ayaga oo iska indho tiray hay’addii loo igmaday horumarinta iyo dayactirka wadooyinka Puntland.

Sidoo kale waxaa xusid mudan, in maalintii uu qoraalkas soo saaray Guddoomiye Cabdulqaadir uu si adag uga horyimid Ku-xigeenkiisa lagu wareejiyay in xilkaas uu si kumeel gaar ah u hayo.

Guddoomiye ku xigeenka hay’adda PHA Cabdirisaaq Maxamed Xayir oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in Cabdulqaadir uu mas’uul ka yahay wada-shaqayn la’aanta hay’addaaas iyo wasaaradaha dowladda.

“Eng. Abdulqadir isaga ha la weydiiyo PHA, isagaa cid walba ka sheegtay kana dhex saaray nidaamka dowliga ah iyo wada-shaqayntii kala dhaxaysay hay’adaha dowladda.Waxaan marag ka ahay in Xukuumadda Puntland ay ka go’nayd kicinta hay’ada iyo inay garwadeen ka noqoto mashaariicda hormarinta waddooyinka Puntland” ayuu Xayir ku yiri qoraalka.