DENI oo shaaciyey tirada xisbiyada ku loolami doona doorashada PUNTLAND

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ka daah-furay tababarka Goleyaasha deegaanka degmooyinka Ufeyn, Qardho iyo Eyl, kuwaasi oo lagu soo doortay hannaanka dimuqraadiyadda ee qof iyo cod.

Madaxweyne Saciid Deni oo munaasibadaas hadal ka jeediyay ayaa shaaciyay in dhawaan uu maamulka yeelan doono Saddex Xisbi oo ka shaqeyn doona danaha shacabka, siyaasad ahaana u meteli doona.

Sidoo kale waxa uu faray dadweynaha reer Puntland in loo dulqaato bilowga dimuqraadiyada, islamarkaana lagana qeyb qaato sidii ay doorashooyinka qof iyo cod u hirgeli lahaayeen.

“Khibradayda Puntland iyo tan federaalka koox iyadu is wadata oo qabiil salka ku haysa cid ma hogaamin karaan,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Deni ayaa intaas sii raaciyay “Waxaan idin kala dardaarmayaa ninkii qabiil wax ku raadinaya, nin xoog wax ku raadinaya iyo nin shalay dadkii Puntland burburinayay maciin bidaya, ka digtoonaada.”

Si kastaba, hadalka Deni ayaa imanaya ayada oo lasoo gaba-gabeeyay qeybtii ugu horreysay ee tijaabada doorashada qof iyo cod, taasi oo ka qabsoontay degmooyin dhowr ah oo ka tirsan maamulka Puntland