DF iyo Axmed Madoobe oo ku loolamayo soo xulista xildhibaanada Jubbaland

Kismaayo (Caasimadda Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa waxaa kusii qul qulaya Odayaasha dhaqanka deegaanada Maamulka Jubbaland si ay u soo xulaan Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Jubbaland.

Maalmaha nasoo aadan ayaa lagu wadaa in soo xulista Xildhibanada cusub ee maamulkaas ay ka bilaabato magaalada Kismaayo, halkaas oo loogu diyaariyey goobihii lagu qaban lahaa doorashooyinka maamulkaas.

Waxaa jiro loolan adag uu dhaxeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo doonayo inuu mar kale kusoo laabto xilka madaxweynimo ee Maamulkaas.

Axmed Madoobe ayaa u diiday dowladda Soomaaliya inay ku lug yeelato doorashada ka dhici doonto Kismaayo, waxayna taas keentay inay dowladda Soomaaliy raadiso  duleelo kale oo ay ugu lug lahaan laheyd Doorashadaas.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa muddo ka taagnaa khilaaf salka ku haya hanaanka loomarayo soo xulista Xildhibanada ee Jubbaland, waxaana wali la shaacin xalka laga gaaray iyo qaabka loo marayo soo xulista xildhibaanada cusub.

C/rashiid Xasan Cabdi (C/rashiid Janan) oo ka mid ah Wasiirada aadka ugu dhow Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dhowaan ay ku soo fool leedahay doorasho ayaa si qarsoodi ah ku imaaday Magaalada Muqdisho taasoo qeyb ka ah ololaha ka dhanka ah Axmed Madoobe oo ay wado Dowladda Soomaaliya.

Wasiir C/rashiid Janan ayaa la dejiyay Xarunta NISA, waxaana wararku sheegayaan in dowladda Federaalka kala hadli doono arrimaha doorashooyinka Jubbaland oo dowladda Federaalka dooneyso albaab ay ka gasho.

Dowladda Federaalka ayaa muddo waxay qorsheyneysay inay saameyn ku yeelato doorashada Jubbaland, iyadoo u gashay dadaal kasta oo gaaray heer dalalka deriska ay kaashato, hase ahaatee aanay weli ku guuleysan, iyadoo uu xumaaday xiriirkii Axmed Madoobe iyo dowladda Federaalka.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com