DF & beesha caalamka oo go’aan ka gaaray Hiiraan iyo Sh/dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in dowlada Federaalka ah ee Somalia ay wado qorsho lagu dhisaayo maamul aan ku imaan rabitaanka Ergada Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ee isku khilaafsan dhismaha maamulka cusub.

Wararku waxa ay sheegayaan in qorshahaani ay qeyb ka tahay Beesha Caalamka, kaa oo ah in Goboladda Hiiraan iyo Sh/Dhexe loo dhiso maamul aan doorasho laheyn, sababo la xiriira khilaafka labada Gobol oo u muuqda mid aan xalis laheyn.

Qorshahaani lala damacsan yahay Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa ah in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu soo saaro amar lagu kala diraayo Ergada ku shirsan magaalada Jowhar, isaga oo doorasho la’aan magacaabi doona Madaxweynaha maamulka cusub, si maamulkaasi uu uga qeybqaato doorashada socta.

Madaxweyne Xassan ayaa sidoo kale la sheegay in lagula taliyay in Ergooyinka ku sugan magaalada Jowhar ay la imaadan xubnaha u matali doona Baarlamaanka uu yeelan doono maamulkaasi, halka Golaha Wasiirada ee maamulkaasi uu kasoo dhex xuli doono beelaha uu maamulka cusub khuseeyo.

Dhismaha labada gole ee maamulkaasi ayaa waxaa fakir ku yeelan doona Xassan Sheekh, balse waxaa howsha inteeda ugu badan qaban doona Xubnaha uu isaga magacaabi doono.

Beesha caalamka ayaa la sheegay in Xassan Sheekh ay ku raacsan yihiin qaabka dhismaha maamulka cusub loo maraayo, waxa ayna qabaan in wakhti intaa ka badan aan loo xanibnaan karin odayaasha Hiiraan.

Madaxweyne Xassan ayaa waxaa laga cabsi qabaab in caqabado kala duwan uu kala kulmo dhismaha maamulka cusub oo loo maraayo qaabka awood sheegashada.

Dhanka kale, dhismaha maamulka Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa dhowr bil waxaa carqalad ku haya odayaasha Hiiraan oo iyaga aan wali helin dalabkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com