DF iyo rugta ganacsiga Somalia oo si wada-jir ah u qaadacay shirka Sweden

Muqdisho Caasimada Online – Warsaxafeed ay si wada jir ah u soo saareen wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo Rugta ganacsiga Soomaaliya ayay ku qaadaceen ka qayb-galka shir looga hadlayo ganacsiga oo la filayo inuu maanta ka furmo magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shirkan oo ahaa mid muhiumad weyn ugu fadhiyey sidii loo dhiiri-gelin lahaa ganacsiga Soomaaliya, dunidana loogu soo jeedin lahaa ganacsatada adduunka, isla markaana loo caawin lahaa ganacsiga iyo ganacsatada Soomaaliyeed uu noqdey mid la marin habaabiyey, islamarkaana kooxo doonaya inay u adeegsadaan musuqmaasuq iyo tahriibin dad sharci daro ah ay afduubteen dhamaan ujeedooyinkii shirka laga lahaa.

Waxa ay sheegeen inay shirka u adeegsadeen dano gaar ahaaneed, si lacag looga abuuro tahriibinta dadka aan ganacsatada ahayn ee loo daabulay shirka iyaga oo laga dhigaayo ganacsato rasmi ah oo howlo ganacsi ka haayo dalka.

Haddaba wasaarada ganacsiga iyo warshadaha ee dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay mowqifkeeda rasmiga ee shirka ay ku qaadacdey ay u gudbisey dowladda Sweden iyo Safiirka dowladda Sweden ee dalka Soomaaliya. Mana jirto cid ka mid ah dowladda  federaalka Soomaaliya oo shirkaas ganacsiga ku mataleysa dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, waxaa jira wararka sheegaya in wasiirka qorsheynta Saciid Daani, uu rabo inuu shirka ka qeyb galo, si uuan u bururin uguna daneeyo ganacsatada beeshiisa, isaga oo hareer maraya go’aanka DF.

Sababaha ay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya iyo Rugta ganacsiga Soomaaliya ay ku qaadaceen shirka waa sababaha soo socda:

1. Waxay ahayd in ganacsatada Soomaaliyeed oo ku urursan Rugta Ganacsiga intooda badan, wada-shaqayn dhab ahna kala dhaxayso wasaaradda ganacsiga in si wada tashi leh uu u hoggaamiyo wasiirka ganacsiga, taladoodana ay urursan tahay.

2. Ganacsiga iyo ganacsatada Soomaaliyeed dhexdooda saameyn kuma lahan siyaasadda la isku haysto oo ganacsiga iyo ganacsatadu xuduud ma leh, gobol walba ayayna hantidoodu taallaa; marka in loola dhaqmo sida siyaasadeysan oo magacyadaas lagu casuumo nalama ahan.

3. Ajandaha waxaa ka maqan ganacsiga Soomaalidu waqtigan xaadirka ah ay ka miro-dhalin karto sida xoolaha, kalluumaysiga iyo beeraha, dhaqan ganacsi soo jireen ahna ay u leedahay.

4. Soomaaliya waxay u baahan tahay in laga caawiyo – Institutional Building – kuwa hadda jira, lana garab-galo, ganacsiga gaarka loo leeyahayna waa meesha kaliya ay Soomaaliya ka nooshahay, in la sii adkeeya maahane nalama ahan in ay caawineyso in si is-barabar-yaac ah lagu caawiyo.

5. Ugu dambeyn, islamarkaana ah tan ugu muhiimsan waxay ahayd si dowlad-wanaagga la caawiyo, in wasaaradda ganacsiga kaalin buuxda ku yeelato qaban-qaabada shirka, ajandaha, ka qayb-galka iyo qaabka ganacsatada loo dhiirri-gelinayo, taasina ma dhicin.

6. Wasaaraddii ganacsiga iyo warshadaha shirkii kama qayb-galayso, talana kuma lahan, sidaa darted annagoo tixgelinayna dowlad-wanaagga iyo dhisidda hay’adaha ganacsiga, waxaa nala haboonaatay inaynaan ka qayb-gelin shirkaas haddii aysan wasiirka iyo wasaarada ganacsiga  iyo ganacsatada oo wada jira aysan ka qayb-galeen shirkaas.

Wixii warbixin dheeraad ah oo ku saabsan qaadacaada shirka ee dowladda federaalka ee Soomaaliya  waxaa lagu wargalinayaa saxaafada iyo cidii kale ee daneyneyso inay la xiriiraan wasiirka wasaaradda Ganacssiga iyo warshadaha ee Dowladda federaalka Soomaaliya mudane Aadan Maxamed Nuur (Aadan Saransoor).

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com