DF oo mar marsiyo u sameyneysa fadeexaddii ka raacday heshiiskii shirkadda Soma Oil and Gas.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa sheegtay inay dib u eegis ku sameyneyso Heshiiskii ay horay ula gashay Shirkadda Soma Oil and Gas ee laga leeyahay dalka Britain.

DF Somalia ayaa heshiiskaasi ku weysay sumcadii ay ku dhex laheyd Caalamka intiisa kale, waxa ayna iminka garwaaqsatay inay baaritaano gaar ah ay ku sameyso Heshiiskaasi.

Qoraal lagu soo daabacay wargeyska The Wall Street Journal ee ka soo baxa dalka Maraykanka oo heshay nuqul kamid ah Dukumiintiyadii ay kala saxiixdeen Dowlada Somalia iyo Shirka, ayaa lagu sheegay in DF ay Heshiiskaasi kaga weecatay dhanka Shuruucda caalamka iyada oo u jeesatay Musuq-maasuq cadeymo leh.

Dukumiintiyada la tusay Wargeyska ayaa waxaa ku saxiixnaa la taliyaha dhinaca Sharciga ee Wasaaradda Batroolka Somalia, Abdixaliin Abdirahman oo isagu faramaroojiyay Maamulka sare ee Shirkadaasi inkastoo liiska shaqsiyaadka Musuqa ku kacay ay intaasi kasii farabadan yihiin.

Wargeyska waxa uu tilmaamay in lacagta ay Shirkadda mushaar ahaan loo siiyey shaqaalaha Wasaaradda Batroolka iyo lacagta kale ee dhinaca Kharashka Sharciga loo siiyey Garyaqaan Jay Park laga yaabo inay horseedo khilaaf dhinaca danaha labada dhinac.

Wargeyska The Wall Street Journal waxa uu qoray in warbixinta DF Somalia lagu soo gabagebeeyey arrinta Xilliga Saami-qeybsiga Kharashka Shidaalka, iyo inuu aad u hooseeyey qaabka loo qortay Heshiiska ay DF Somalia iyo Shirkadda Soma Oil and Gas oo ay horey u kala saxiixdeen.

DF Somalia oo dooneyso inay iska masaxdo Fadeexadii kasoo gaartay Musuq-maasuqa ayaa iminka warqado u kala dirtay Shirkada iyo Hay’ado kale, taasi oo ay ku ogeysiineyso in la sameynaayo Baaritaano dib loogu xaqiijinaayo qaabka uu Heshiiska u dhacay iyo saami-qeybsigii labada dhinac dhexmaray.

Dowladu waxa ay sidoo kale qoraalkeeda ku qeexday inay heysato fursado kale oo dhigaaya in bartii hore ay kasii socoto heshiiska kadib markii ay sheegtay inuusan dhamaystirnayn heshiiskaasi carqalada dhaliyay, loona baahan yahay in wadaxaajood kale laga galo Saami-qeybsiga Macaashka Shidaalka.

Geesta kale, DF Somalia ayaa Heshiiskaasi kala kulantay Fadeexad aad u weyn oo saameyn adag ku yeelatay kaalintii ay ku dhex laheyd Hay’adaha kale ee Caalamka u qaabilsan arrimaha shidaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com