DF oo shaaca ka qaaday inay howlgal ku dishay 30 ka tirsanaa Al-SHABAAB

Beledweyne (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgal culus oo xalay ka dhacay duleedka degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday goobo ay ku suganaayeen xoogaga Al-Shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay deegaanka Aboorey oo qiyaastii 25 KM bari ka xiga degmada Buuloburte, halkaas oo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay xalay saq-dhexe gudaha u galeen deegaankaas, isla-markaana ay bartilmaameedadeen fariisimo ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd halkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in howlgalkaas lagu dilay in ka badan 30 xubnood, isla-markaana deegaanka laga saaray Al-Shabaab.

Sidoo kale dowladda federaalka ayaa xaqiijisay in illaa 5 askari looga dhaawacay howlgalka ka dhacay duleedka degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

“Ciidanka Xoogga dalka oo sii haayay xogta dhagarta Argagixisada ayaa gaarsiyay jab xoog leh, iyada oo dhanka kale ay dhaawacyo soo gaareen shan askari oo ka tirsan ciidanka xoogga” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo duuleedka Buuloburte lagu dilay nabadoono ka soo jeeday gobolka Hiiraan, waxaana dhacdadaasi warar is khilaafsan ka soo saaray labada dhinac. Dowlada ayaa sheegay in Al-Shabaab ay u dhigtay qarax miino halka dhankeedana kooxda ay shaaca ka qaaday in lagu dilay duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka.

Si kastaba, Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socdo dagaallo culus oo u dhexeeyo kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada Xoogga dalka oo garab ka helaya maleeshiyaadka Macawiisleyda.