DF oo shaacisay tirada dhimashada iyo dhaawaca weerarkii Hoteel Xayaat

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji ayaa shaaciyay tirada dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo tagay isbitaalada la geeyay dadka waxyeelada kasoo gaartay weerarkaas ayaa sheegay in inta la xaqiijiyay 21 qof ay ku geeriyoodeen weerarka halka 117-kalena ay ku dhaawacmeen.

Wuxuu sheegay in xogtaan ay wasaaradda caafimaadka kasoo xaqiijisay Isbitaallada ku yaalla Magaalada muqdisho, balse ay jiri karaan meydad ay aasteen ehelladooda, kuwaas oo aan la geyn Isbitaallada.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan wuxuu sheegay in 15 kamid ah 117 qof uu dhaawacooda culus yahay, islamarkaana Wasaaradda caafimaadaka ay iska xil saari doonto wax u qabashada dadka dhaawacyada qaba.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ayaa sheegay in muddadii uu socday weerarka Al-Shabaab ku qaaday Hotelka hay’adaha amniga ay xoogga saareen badbaadinta iyo badqabka muwaadiniintii goobta ku sugnayd.

Taliyaha ayaa sheegay inay ku guulaysteen badbaadinta dad ka badan 106 qof oo ay ka mid yihiin carruur iyo haween.

Xijaar, wuxuu ku eedeeyay Alshabab inay laayeen dad u badnaa carruur iyo haween ah. Taliyuhu wuxuu sheegay khasaaraha dadka rayidka ah inuu dhacay saacadihii hore weerarka.

Wuxuu xaqiijiyay inay askar naftooda ku waayeen iyagoo badbaadinayay dadka shacabka. Balse taliyuhu ma sheegin tirada askarta geeriyootay.