DF oo WAR cusub ka soo saartay goorta lasoo celinayo askarta ku maqan Eritrea

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay qorshaha dowladda ee dhalinyarada tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, isaga oo shaaciyey in dalka dib loogu soo celinayo.

Fiqi ayaa sheegay in ciidamadaasi oo gaaraya 5,000 oo askari dalka lagu soo celinayo inta uu socdo howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka billowday gobollada gaar ahaan Hiiraan, Galgaduud, Shabeelooyinka, Baay & Bakool si ay uga qayb qaataan xoreynta dalka.

“Ciidamadda lagu tababaray  Eritrea waxa ay  soo laaban doonan inta uu socdo howlgalada haatan dalka oo dhan ka socda’’ ayuu wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladdu ay diyaarin doonto meelihii la dajin lahaa askartaasi iyo agabkii ay ku howlgali lahaayeen, sida uu hadalka u dhigay.

“Diyaarintooda waa ay socota, Ciidamada waa kuwo aad utiro badan oo u baahan in loo diyaariyo goobihii la dijin lahaa iyo agabkii ay ku howlgali lahaayeen, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa xog badan ka haysa, laakiin waxa aan ogahay in Ciidamadaasi ay dib uga soo noqonayanaan dalka’’ ayuu markale yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya.

Horey madaxweynaha Soomaaliya ayaa 10-kii bishii July ee sanadkan 2022-ka ku booqday ciidamadaan xeryahaha ay ku tababaranayaan ee dalka Eritrea, ayadoo in muddo ah la la’aa wacaalkooda, taas oo ay walaac iyo shaki xoogan ku abuurtay walidiinta carruurtaasi.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa haatan wada qorshe ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana billowday kacdoon weyn oo Al-Shabaab looga saarayo dalka oo dhan.