DF oo war kasoo saartay falkii arxan-darrada ahaa ee ay maanta sameeyeen Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay uag falcelineyo falkii ay kooxda Al-Shabaab ay qaraxyo ugu burburiyey matoorada ceelasha biyaha, baraago iyo xarumaha isgaartiineed ee ku yaallay deegaannada Maarsamage iyo Cadokibir oo hoostaga magaalada Baxdo ee gobolka Galguduud. Hoos ka aqriso qoraalka dowladda

War-saxaafadeed 

Iyadoo Dowladda Federaalka ee Somalia ay ku hawlan tahay gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu aafeeyeen, ayaa waxaa nasiib darro ah in kooxda nabad diidka ee ku qaraabaneysa magaca diinteena xaniifka ah ay sare u qaadeen burburinta ceelasha biyaha, qalabka isgaarsiinta iyo barakacinta dadka tabaaleysan.

Shacabka ku nool degaanada Maarsa-Mage, Qaayib, Dhuumodle, Cada-Kibir, Dhisaq-Shurufle iyo Cali Wayd ee gobolka Galguduud ee Dowlad Goboleedka Galmudug waxay saaka ku waa bariisteen iyadoo ceelasha biyaha ee ay kaga badbaadi lahaayeen haraadka iyo abaaraha daran ay burburiyeen argagixisadu, isgaarsiintii degaannadaasina ay densan yihiin kadib markii ay kooxda nabad diidka ay burbur u geysteen qalabka iyo matoorada shirkadaha isgaarsiinta.

Argagixisada ayaa dooneysa inay si arxan la’aan ah u ciqaabaan dad shacab ah kadib , markii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya shacabka ay bilaabeen hawlgalo culus oo lagu cirib tirayo kooxda arxanka daran ee diinta Islaamka ku tumaneysa.

Dhowaan waxa ay dowladda Soomaaliya lacag ku dhow 150,000 (boqol iyo konton kun oo dollar) ku bixisay dib u qodista iyo hagaajinta ceelal ay argagixisadu ku burburiyeen degaano ku yaalla Beled Weyne oo ka tirsan Dowlad Goboleedka HirShabelle.

Dowladda Soomaaliya waxay caddeyneysaa inay sii wadeyso dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gacanta kalena ay ku sii wadeyso iskudubbaridka gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu aafeeyeen. 

Waxaa ugu dambeyn dowladda Soomaaliya ay ugu baaqeysaa shacabka inay sii wadaan taageerada ay u fidinayaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si meesha looga saaro cadowga u ooman dhiigga shacabka Soomaaliyeed.