DF oo war kasoo saartay khilaafka hareeyay safaarada Talyaaniga, lana safatay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay khilaafka ka dhex taagan Safaaradda Soomaaliya ee ku taal Degmada Prati ee magaalada Rome, kadib shaqo joojintii lagu sameeyey safiir Maxamed Cabdiraxmaan Sheekh Ciise.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in 2-dii bishii hore ee April ay qoraal rasmi ah u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Talyaaniga, kaasi oo lagu soo celiyey safiirkii hore Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, laguna magacaabay Mudane Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Nuur.

“Safiirkii hore, Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, ma lahan wax waajibaad shaqo oo diblomaasiyadeed ee loo igmaday, sidoo kalena kuma leh wax kaalin shaqo ah bahda Diblomaasiyadda Soomaaliyeed, wuxuuna xilligan yahay muwaadin Soomaaliyeed oo ku nool dalka Talyaaniga,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Wasaaradda ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay inay dhowr jeer u yeertay Safiirkii hore inuu dalka dib ugu soo laabto si wax looga weydiiyo hab-dhaqankiisa shaqo, muwaadiniinta lagu dhibaateeyey dalka Talyaaniga, eedaha laga soo gudbiyey ee ku saabsan ku takrifal awoodeed iyo maamul xumo dakhliga Safaaradda, balse uu diiday dhammaan baaqyada loo diray.

“Qoraallada sare waxay caddayn u yihiin in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee JFS qaadday wax walba oo lagu xallin-karay amar-diiddada danjirihii hore, balse lagama maarmaan noqotay in la maro jid walba oo lagu ilaalinayo danaha Soomaaliya, sidoo kalana lagu dhowrayo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya JFS iyo Jamhuuriyadda Talyaaniga ee aan saaxiibka nahay.”

Wasaaradda ayaa qoraalkeeda si cad ugu beenisay in wararka lagu faafiyay Warbaahinta Talyaaniga oo sheegayay in Safaaradda Soomaaliya afgambi ka dhacay, taasi oo waxba kama jiraan aan sal iyo raad-toona laheyd ku tilmaamtay.

Waxay ku eedeysay in Danjire Cabdiraxmaan uu diiday in uu celiyo Aqoonsiga diblomaasiyadeed, islamarkaana uu ku howlan yihiin sidii ay dhaawaca u gaarsiin lahaayeen xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya kala dhexeeya Jahmhuuriyadda Talyaaniga

“Jaaliyadda iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Talyaaniga waxaa lala socodsiinayaa in Safaaraddu howsheeda si caadi ah u socoto, looguna adeegi doono si degdeg ah,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka.

Arrintaan ayaa imaneysa xili Safiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya u magacowday safaaradda Soomaaliya ee Roma Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Nuur uu albaabada safaaradda qunful ugu xertay inuusan soo gelin safiirkii horay u fadhiyay oo aan xil wareejin sameyn.

Safiirkan ayaa sida aan xogta ku helnay waxa uu kasoo jeeda beesha Mareexaan, waxaana loo soo magacaabay si looga gaarsiiyo xilliga kala guurka iyo waqtiga dowladda ee dhammaadka ah.

Safiirkii hore ee xil ka qaadista lagu sameeyay Cabdiraxmaan Sheekh Ciise oo heyb ahaan kasoo jeeda beesha Abgaal ayaa ciidamada booliska Talyaaniga u yeeray si ay usoo fara geliyaan khilaafka iyo labadooda.

Safiirkii hore ee xilka laga qaaday ayaa cuskanaya sharciyada uu xaqa u leeyahay inuu xilka wareejiyo iyo in xiligaan khalalaase siyaasadeed ay jiraan, taasoo dowladda Talyaaniga ku kaliftay inay go’aan ka qaadan weydo marka laga reebo heer maxkamadeed.

Safiir Cabdiraxmaan Sheekh Ciise ayaa albaabada safaaradda laga xertay, waxaana uu sheegay in uu naftiisa u baqayo oo cabsi ay soo wajahday.