DF Somalia oo ciidankeeda siisay amar la xiriira dagaalka Shabeelaha Hoose

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashandhigga xukuumadda Soomaaliya, Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud oo saxaafadda la hadlay ayaa ugu baaqay ciidamada millitariga dowladda in aysan ka qeyb qaadan dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose.

Wasiirka oo la socday wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha oo maanta ku soo laabtay Muqdisho kaddib markii ay ka soo qeyb galeen caleema saarka madaxweynaha cusub ee Masar Cabdifaax Asiisi ayaa sheegay in ay ka xun yihiin dagaallada maleeshiyo beeleedyada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu ciidamada millitariga ugu baaqay in ay ka fogaadaan dagaallada ka socda gobalkaas isagoona intaas ku daray in askarigii lagu arko dagaallada isagoo ka qeyb qaadanaya in tallaabo adag laga qaadi doono.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmay iyadoo la soo sheegayo in dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose ay ka qeyb qaadanayaan ciidamada millitariga kuwaasoo la kala saftay maleeshiyaadka ku dagaallamaya halkaas.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com