DF Somalia oo shaacisay sababta ay u qaadacday shirka ay qabaneyso Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay sababta ay ku qaadacday shir lagu waday in uu shaley ka furmo Nairobi kaasoo ay soo qaban qaabisay dowladda Kenya loogana hadlaayo siddii qoxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya dib loogu celin lahaa Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirkaas ay u qaadeen kaddib markii ay arkeen Kenya in ay ka baxday heshiis seddax geesood ahaa oo horrey u gaareen isla markaana aysan ka soo bixin hirgallinta heshiiskaas.

Wasiir Beyle ayaa xusay in shirka dib u celinta Qaxootiga Soomaalida ee Kenya uusan  waafaqsaneyn heshiiskii ay wada gaareen dowlaha Soomaaliya, Kenya iyo hey’adda Qaxootiga adduunka UNHCR, kaas oo dowladda Kenya ku waajib yeelayey in ay si bini’aadannimo iyo masuuliyad leh ula dhaqanto qaxootiga Soomaalida, hasa  yeeshee dowladda Kenya arrintaasi ay jabisay.

“Waxaa masuuliyad darro aheyd  sida ay Kenya uga qeyb qaadaneysay habka loo soo celinayo qaxootiga, maadaama ciidammada dowladdaasi ay ku kaceen gabood fallo iyo ficillo ka baxsan bini’aadannimada, balse arrintaas waxba uma dhimi doonta xiriirka iyo wada shaqeynta kale ee labada dowlddood ka dhaxeysa” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay  in dowladda Soomaaliya waajib buuxa uu ka saaran yahay sidii loo ilaalin lahaa muwaadiniinta ka joogta dadka Kenya ee magan-galyada weydiistay, waxa uu intaa raaciyey in lagama-maarmaan ay tahay in la helo waddo kale oo xal loogu raadiyo habka dib u celinta Soomaalida Kenya.

Waa tallaabadii ugu horreysay oo dowladda Soomaaliya ay qaado tan iyo markii uu billowday raafka iyo dhibaatada lagu hayo Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com