DF Somalia oo maalin cusub kusoo dareyso maalmaha Somalia laga xuso

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya oo marar badan ku celcelisay inay la dagaalameyso Musuq maasuqa ayaa sheegtay inay sameyn doonaan maalin loo asteynayo maalinta la dagaalanka Musuq maasuqa Soomaaliya.

Qorshahan ayaa waxaa wada wasaaradaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya, balse waxaa shaaciyay wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya Eng C.raxmaan Yariisow oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaarineyso qorshe iyo qaab cusub oo looga hortagayo Musuq maasuqa oo Soomaaliya ku baahay, wuxuuna sheegay in qorshahaasi u u dad badan saameyn doono.

Maalinta gaar ah ee loo asteynayo la dagaalanka musuq maasuqa ayuu sheegay inay ahaan doonto maalin si weyn loo xasuusan doono, maadaama sanadkaan hal ku dhiga dowladda cusub uu yahay la dagaalanka musuq maasuqa.

Waxa uu sheegay C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) Dowladda Federaalka ahmiyad gaar ah in ay siineyso sidii loola dagaalami lahaa Musuq maasuqa.

 Wasiirka koowaad ee Xukuumada ayaa wadda qorshe uu maalin kastaba wasaarada cusub ku booqanayo isaga oo eegaya shaqada ka socota wasaarada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com