DF Soomaaliya oo shaacisay khasaaraha 3-duqeyn oo gobolka Hiiraan laga fuliyey

Maxaas (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ayadoo kaashaneysa Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ay saddex weerar oo cirka ah ku qaaday kooxda Al-Shabaab, duqeymahaas ayaa ka dhacay deegaano u dhow magaalada Beledweyne ee bartamaha Soomaaliya.

Duqeymahaan oo dhacay 48-kii saac ee lasoo dhaafay qiimeynta hordhaca ah ee dowladda Soomaaliya iyo taliska AFRICOM ay ka soo saareen waxaa lagu sheegay in lagu dilay afar xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab

Sidoo kale warbixintaan waxaa lagu cadeeyey aysan jirin wax khasaare ah dad rayid ah ka soo gaaray duqeymahaas oo ciidamada Mareykanka ayaa loo fasaxay inay ka fuliyaan deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa qaaday tallaabooyin waaweyn, si looga hortago waxyeelo soo gaarta rayidka. Dadaaladani waxay ka duwan yihiin weerarrada aan loo meel dayin in al-Shabaab ay si joogto ah ula dhaqmaan dadka rayidka ah,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saartay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka waxaa ka go’an la dagaalanka Al-Shabaab, si looga hortago dhimashada dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan. Ururada xagjirka ah ee rabshadaha, sida al-Shabaab waxay soo bandhigaan khataraha mustaqbalka fog ee Soomaalida, danaha gobolka iyo Maraykanka.”

Markii la soo tago bayaankaan, dadka ku nool deegaanada dhaca waqooyi-bari gobolka Hiiraan, waxay Caasimada Online u sheegeen in labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay militeriga Soomaaliya gudaha u galeen deegaano badan oo Al-Shabaab ay horay u joogeen, sidoo kale ay maqleen duqeymo ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka.

Deegaanada lagu weeraray Al-Shabaab oo hoos taga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, dhibaatooyin badan ayey Al-Shabaab maalmihii lasoo dhaafay ugu geysteen shacabka, iyagoo ka burburiyey ceelashii ay biyaha ka cabi jireen, sidoo kalena gubay guryo ku yaallay deegaano hoos taga Maxaas.

Taasi waxay keentay in ciidanka xoogga dalka ay weerarro ku qaadaan, kana qabsadaan inta badan deegaanadii ay kooxdu ku dhibaateysay dadka rayidka ah, waxaana Al-Shabaab la iskugu daray duqeyn iyo dagaal toos ah, howlgalkaasna weli lagama heli faahfaahin dhameystiran.