DF Soomaaliya oo sharci u sameynaysa Social Media

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee labada Gole, Wasaaradda Cadaaladda iyo Saraakiil ka tirsan Maxkamadaha dalka ayaa ka shiraya sidii loo sameyn lahaa Sharciyo KMG ah oo lagu ciqaabo dadka wararka been abuurka ah iyo aflagaadada ku daabaca barahama Bulshada ku kulmaan ee Internet-ka.

Caasimada Online ayaa ogaatay in Xubno ka tirsan Guddiyada Cadaaladda ee BFS ay la kulmeen Saraakiil ka tirsan hey’adaha Garsoorka dalka ayna ka dalbadeen in la soo saaro xeerar KMG ah oo si deg deg ah uga dhaqan gala maadaama ay jirto qatar badan oo ay Dowladda Soomaaliya ay rumeysan tahay inay kaga imaneyso Facebook iyo Twitter, iyo qaybaha kale ee Internet-ka.

Arrintan ayaa waxaa soo abuubalay ama isku dabaridkeeda leh Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, waxaana uu ku yimid dalab ay sameeyeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyrre.

Sameynta sharciyo deg deg oo KMG ah ayaa hadda looga fadhiyaa Maxkamadaha dalka kuwaas oo la siiyay muddo 60 cesho ilaa 90 ceho ah. Iyadoo lagu wargeliyay in ay dowladda Soomaaliya dooneyso in aysan hey’adaha garsoorka dalka soo celin qof dambe oo ku eedeysan warar lagu qoray Baraha Bulshada.

Qof ka tirsan Saraakiisha Maxkamadda Gobalka Banaadir ayaa Caasiamda Online u sheegay in 3 jeer arintaan laga kulmay, waxayna kulamada 2 ka mid ah ay ka dhaceen Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Ka hor inta aan la go’aamin in Sharci KMG ah loo sameeyo Internet-ka ayaa madaxdii kulanka ka yeeshay waxay qorsheeyeen in Internet-ka dalka oo dhan laga xanibo faafinta waxyaabaha aysan la dhacsaneen Dowladda Soomaaliya sida ay sameeyeen dalal badan oo ay Jabuuti kamid tahay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhibaato badan ku qabta Facebook oo ah Saldhigga ugu weyn ee lagu soo bandhigo qaladaadka Dowladda, Ciidamada iyo Sheekooyin kale oo waqtiyada qaar aflagaado iyo dhacdo been abuur ah.

Halkaan ka daawo Villa Somalia oo lagu eedeeyey qaraxii Kismaayo, go’anadii Beesha Sacad ee Galmudug & shirqoolka Qadar

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com