DF Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay xiisada dagaal ee Mudug iyo Galgaduud

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay xiisada colaadeed ka aloosan deegaano ka tirsan gobolada dhexe ee dalka, gaar ahaan gobolada Mudug iyo Galgaduud, kuwaasi oo u dhaxeysa beeleedyo wada dega deegaanadaasi.

Ra’iisal wasare ku-xigeenka dalka, Mahdi Guuleed oo ku hadlayey magaca dowladda ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleedyadaasi oo galaaftay nolosha dad badan oo rayid ah, halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Mahdi Guuleed ayaa sheegay in xiligan aan loo baahneyn hurinta colaado sokeeye, oo dhibaato baaxad leh u horseeda bulshada, isla markaana ay muhiim tahay in dhinacyada dagaalkaasi isku hor-fadhiya ay ku wada noolaadan nabad.

Waxa kale oo uu xusay in xukuumaddu ay dareensan tahay dhibaatada dagaaladaasi, iyada oo uu sheegay in shirkii todobaadlaha ee golaha wasiirada ay kamid aheyd waxyaabaha looga hadlay dagaalada kasoo cosboonaaday dalka.

“Dagaalka waxa ka wanaagsan dadka inay ka shaqeeyaan walaalnimada, is-aqbalaada iyo wada-noolaashaha, waayo dagaalka waxa uu saameeyay dad badan oo aan waxba galabsan, marka waxaan ku baaqeynaa in dagaalka la jooiyo” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Ugu dambeyntiina waxa uu balan-qaaday in dowladda dhexe ay dowlad goboleedka Galmudug kala shaqeyn doonto sidii loo xalin lahaa xiisada dagaaladaasi, isla markaana loogu soo dabaali lahaa xaalad nabdoon.

Baaqan ayaa imanaya xili ay sarre u kacday xiisada dagaal beeleedyadaasi, iyada oo dhawaana maamulka Galmudug ay sheegen in colaadaasi ay hurinayso, ayna ka dambeyso kooxda Al-Shabaab oo rabta inay wiiqdo howl-galada ka dhanka ah ee Galgaduud iyo Mudug.