Dhageyso: 27 sano ayuu ka maqnaa Soomaaliya markii uu soo noqdayna waa la dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdulqaadir Maxamed Cali oo Soomaaliya ka maqnaa mudo 27 sano ah ayaa nasiib darro maalin kadib markii uu dib ugu laabtay dalka wuxuu la kulmay oo lagu dilay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee Marxuum Cabdulqaadir ayaa ahaa nin dhalinyaro ah oo muudo dheer ku noolaa dalka Koonfur Afrika, wuxuuna maalin ka hor markii la weeraray Hotel Xayaat uu booqasho ugu yimid waalidkiis iyo walaalihiis oo ku nool Muqdisho, muddo dheerna uusan arag.

Wuxuu Hotelka u tegay sidii alaab dad loogu soo dhiibay uu ugu wareeji lahaa, balse wuxuu la kulmay weerarka, mudo labo maalmood ah aya maydkiisa la la’aa, sida ay ehelkiisu warbaahinta u sheegeen.

Dr. Ayaan Maxamed Cali oo ay walaalo yihiin Cabdulqaadir Maxamed Cali ayaa wareysi ay siisay Idaacadda VOA ayaa sheegtay in walaalkeeda uu waqti adag soo caawiyey reerka, balse nasiib darro 27-sano kadib markii uu dalkiisa dib ugu soo laabtay la dilay.

“Maalintii Khamiista ayuu safar ka yimid, wuxuu maqnaa dhowr iyo labaatan sano, amaanooyin uu waday inuu hotelka qof ugu geeyo ayuu u tegay goobta, 20 daqiiqo intii uusan joogina waxaa bowlday qaraxyadii iyo weerarkii Hotelka, halkaas ayuuna ku dhintay,” ayey yiri Ayaan Maxamed.

Waxay sheegtay inuu ahaa curadkii reerka, taas oo sababtay inuu mudo dheer Koonfur Afrika ganacsi ugu maqnaado, si walaalihiis uu waxbarashada uga caawiyo.

“Nolol adag ayuu soo maray, wuxuu hor mariyey waxbarashadeena iyo tiisaba, walaalahey oo anigu aan ugu horeeyo wuxuu na gaarsiiyey heerarka ugu sareeya waxbarashada, naftiisa, teena ayuu ka hor mariyey, ilaahey haka abaal mariyo, wuxuu ahaa ahlu diin,” ayey Ayaan hadalkeeda ku sii dartay.

Sidoo kale gabadhaan waxay sheegtay in Marxuumka toogasho lagu dilay oo wadnaha xabad looga dhuftay, isla markaana ay meydkiisa mudo labo maalmood ah ka raadinayeen isbitaallada Muqdisho, balse uu yaalay goobtii lagu dilay oo weerar xun uu ka socday.

Hoos ka dhageyso wareysiga