Dhageyso: Cabdi Waal oo kashifay sirta Guuleed ee Cadaado iyo soddon kun oo doolar oo uu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdii Nuure Siyaad “Cabdi Waal”, oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa si kulul weerar afka ah ugu qaaday madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Cabdi Waal, ayaa sheegay in maamulka Galmudug uusan ka jirin deegaanada Mudug iyo Galgaduud, uuna yahay maamul madaxdiisa diyaarad lagu geeyay magaalada Cadaado oo beesha caalamka laga gadayo, sida uu hadalka u dhigay.

Cabdi Nuure Siyaad, ayaa sheegay in madaxweynaha maamulka Galmudug uu guri kiro ah ka degen yahay magaalada Cadaado islamarkaana bishii uu ka bixiyo 20 kun oo doolar, halka marka xildhibaanada ay kulmayaan maalintii kiro ahaan looga qaado 1000 doolar, sida uu hadalka u dhigay.

“Maamul ma noqonayo haddiiba madaxweynihiisa uu degan yahay kiro bishiina laga qaado 20 kun, xitaa xildhibaanada kiro ayay degen yihiih, dadkaan waa dad marti ku ah halkan, oo lacag ayayba ijaar ku bixiyaan”ayuu yiri C/waal.

Aad ayuu kaga soo horjeestay dhismaha maamulka Galmudug ee madaxweyne C/kariin Guuleed, wuxuuna tilmaamay in dadka gobolada dhexe ay dhisanayaan maamul gaar ah oo gobolada dhexe ay yeeshaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com