Dhageyso: Dhallinyaro Soomaali ah oo arrin lagu khiyaanay darteed ugu jira xabsi ku yaalla dalka Niger

Muqdisho (Caasimada Online)- Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran xabsi ku yaalla dalka Niger ayaa soo saaray qeylo dhaan ay u dirayaan dowladda Soomaaliya, kadib markii ay la soo xariireen warbaahinta.

Dhalinyaradaan oo tahriib ahaa ayaa lagu qiyaamay warqado lagu dhoofinayey, waxayna hadda dowladda Niger u xiran yihiin mudo shan bilood ah.

Xamse Cabdi Xuseen oo ka mid ah dhalinyaradaas ayaa wareysi uu siiyey Idaacadda VOA wuxuu ku faahfaahiyey sababta loo xiray, isagoo codsi u diray dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waxaa naloo xiray oo dowladdu ay nagu qabatay warqado dhalasho oo wadankaan Niger ah, waxaana noo sameeyey niman u dhashay wadankaan, markii nala qabtay dalka ayey isaga carareen,” ayuu yiri Xamse Cabdi.

Xamse oo ka mid ah dhalinyarada ku xiran dalka Niger sidoo kale wuxuu sheegay in maxkamad lasoo taagay, kadibna loo sheegay in kiiskoodu fududyahay, balse ay xabsiga ku sii jiri doonaan ilaa inta laga soo qabanayo raggii warqadaha u sameeyey, kuwaas oo dalka isaga cararay.

Dhallinyaradan ayaa sheegay in mukhalaskii u sameeyay waraaqaha uu u sheegay in waraaqahu ay saxan yihiin oo hannaan sharci ah uu u maray, balse ay dowladdu u sheegtay in aanay sax ahayn.

“Waxaan codsi u dirsanaynaa dowladda Soomaaliyeed, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaan si khaas ah ula hadlayaa, waxaan leeyahay madaxweynow mar labaad ayuu alle noo kaa dooray, noo damqo si lamid ah dhalinyaradii Eritrea, naga soo gaar oo naga saar meeshaan oo la soo hadal madaxweynaha wadankaan,” ayuu yiri Xamse Cabdi Xuseen.

Hoos ka dhageyso wareysiga