DHAGEYSO: Dugsiyada Soomaalida ee Britain oo shirqool halis ah loo dhigay

London (Caasimada Online) – Warbixin uu soo saaray xafiiska kormeerka iyo dabagalka hanaanka waxbarashada Dugsiyada dalka Boqortooyada Britain ayaa ku eedaysay shan dugsi oo ku yaalla  Birmingham ee dalka Britain inay ay ardayda baraan xagjirnimada.

Dugsiga ayaa waxaa wax ka barta arday badan oo Soomaali ah iyo kuwa kale oo dalal kale kasoo jeeda oo muslimiin ah.

Arrintan ayaa walaac badan ku abuurtay waalidiinta iyo ururada islaamiga ah ee dalka Britain, gaar ahaanna kuwa Soomaalida.

Mukhtaar Sheekh Cismaan oo ah Madaxa Akaadiimiyada Iqra ee magaalada London ayaa VOAda uga warrmay saamaynta ay arrintan yeelan karto, isla markaana tilmaamay in arrintani ay tahay mid lagu xumaynayo dadka Muslimiinta ah, waxa kale oo uu xusay in warbixintan ay ku lug leeyihiin dad tira yar oo aan jeclayn wada noolaanshaha bulshada ku nool Britain.

Waxa kale oo uu sheegay inuu jiro shirqool halis ah oo dad neceb muslimiinta ay maleegeyn, ayna arrintan ka dambeyso taas.

Warysiga oo dhan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan