Dhageyso: FARMAAJO oo jawaab yaab leh ka bixiyey sababta uu mar kasta uga hadlin arrimaha xasaasiga

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay qaab la yaab leh uga jawaabay sababta uusan mar kasta uga hadlin Xasaradaha dalka ka jiro kadib wareysi dhinacyo badan taabanayey oo uu siiyey telefishinka Qaranka SNTV.

Madaxweyne oo jawaabayo Su’aashaas ayaa sheegay inuu isaga yahay qofka leh go’aanka ugu dambeeyo isla markaasna saxo qaladaadka ay sameyso xukuumadda, balse aysan macquul aheyn inay isaga wax kasta ka bilowdaan.

Madaxweynaha ayaa is waydiiyey su’aal aheyd haddii isaga uu wax kasta bilaabo cidda saxeyso qaladaadka dhaco iyo waxyaabaha la isku qabto.

“Madaxweynuhu wax kasta kama billowdaan ee waa ay ku dhammaadaan. Madaxweynuhu ma hor-ordi karo shaqada, maxaa yeelay haddii asaga wax walba uu hor ordo oo ay wax halaabaan xaggee lagu noqonayaa, macnaheeda waxay tahay madaxweynuhui wuxuu leeyahay oo ah halka ay wax ka bilowdaan magacaabista Ra’isulwasaaraha, taas macnaheeda waa Ra’isulwasaaraha ayaa iska leh Mas’uuliyadda xukuumadda?” ayuu yiri Madaxweynaha.

“ Ra’sulwasaaraha waxaa la shaqeeyo Wasiiro oo loo baahan yahay in shaqada lafteeda lagula xisaabtamo oo iyagu howsha ka xigsadaan, wasiirada waxaa la rabaa inay agaasimayaasha guud ka xigsadaan ilaa meesha ugu hooseyso qeybta oo ay howshu ka bilaabato, marka waa dhaqan cusub oo aan dhaqan siyaaasadeedka Soomaaliya horey looga baran, laakiin waa sida saxda ah Madaxweynuhu waa meesha ugu dambeysa oo la tagayo, macnaheeda waxay tahay inaan aruuriyo xog , inaan xaqiiqda ogaado, meesha wax ka qaldan yihiin iyo meesha loo baahan yahay in wax laga saxo oo aan talo badan geliyo kadib iyadoo la diyaarsan yahay aan aniga xalkii keeno”

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay Ra’isulwasaare Kheyre isla markaasna uu aaminsan yahay inuu yahay Ra’isulwasaare wanaagsan wuxuuna yiri isagoo arrintaas ka hadlayo

“ Al Xamdullilaah, Ra’isulwasaare wanaagsan oo aan ku kalsoonahay ayaa shaqeeya, isagana wuxuu keenay wasiiro, qof walba waxaa laga rabaa shaqadiisa ee loo xilsaaray inay gutaan”.

Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo aadayo xilli ay taagneyd su’aalo badan oo la iska waydiinayey heshiiskii ay kala saxiixdeen isaga iyo Ra’isulwasaaraha Itoobiya kaasoo ay tashuus iyo marin habaabin ka sameeyeen shakhsiyaad mucaarad ku ah dowladda Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Madaxweynaha 

Caasimada Onlne

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com