Dhageyso: Gudbaaye oo digniin adag u diray xildhibaanada reer woqooyiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamuud Xuseen Gudbaaye oo hore u soo noqday Gudoomiyaha Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, yaa ka hadalay Dagaalka Gobolka Shabellaha Hoose, oo ay wadaan maleeshiyo xiriir la leh Al-Shabaa.

Gudbaaye ayaa sheegay in Dagaalka ay hurinayaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo garaddro iyo dhibaato ku haya dadka deegaanka u dhashay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in xildhibaanadaas iyo Siyaasiin kale aan loo dul qaadan karin in ay dagaal ka huriyaan Koofurta Soomaaliya, magaalada Hargeysana ay noqoto meel nabdoon.

Dagaalka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxa uu yimid kadib markii maleeshiyo xiriir la leh Axmed Godane, ay billaabeen dilalka dadka shacabka ah ee gobolka u dhashay, taasi oo dhalisay inay hubka qaataan.

Halkan ka dhageyso Gudbaaye

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com