Dhageyso: Qeybdiid oo ku dhowaaqay go’aankii laga sugayey oo ah in uu….

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid”, oo ka hadlayay xaflaad ay ka qeyb galeen dadweyne badan ayaa ku dhawaaqay arin ku aadan inuu yahay musharax qabanaya xilka madaxweynaha gobolada dhexe.

Mr Qeybdiid, ayaa sheegay in haddii loo doortaa madaxweynaha maamulka gobolada dhexe uu wax badan ka badali doono xaalada labada gobol, uuna gaarsiin doono gobolada heer doorasho ay ka dhacdo sida uu hadalka u yiri.

“Haddii bulshada gobolada dhexe ay i doorteen, waxaan balan qaadayaa inaan wax badan ka badalo xaalada labada gobol”ayuu yiri musharax Cabdi Xasan Cawaale.

Cabdi Xasan, ayaa dhanka kale sheegay in horumar dhaqaale iyo mid bulsho uu gaarsiin doono gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, haddii loo doorto madaxweynaha maamulka  gobolada dhexe ee dalka.

“Haddii aan horumar gaarsiineynin, oo aan wax soo kordhineyn maba soo istaageen madaxweyne ayaan isku sharaxayaa”sidaasi ayuu markale yiri Mr Qeybdiid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com