DHAGEYSO: Qeybdiid “Puntland waxay baaddaa DFS, balse Galmudug yaysan kusoo kadsoomin”

Cadaado (Caasimada Online) – Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid oo ka mid ah musharixiinta u taagan madaxtinimada maamulka Galmudug ee lagu dhisayo shirka magaalada Cadaado ayaa difaacay dastuurka cusub ee maamulka loo ansixiyay.

Qeybdiid waxa uu sheegay in Puntland-ba ay dastuurkeeda ku qoratay degmooyin ay wada dagaan dad ka soo kala jeeda maamuulada Puntland iyo Galmudug.

Qeybdiid ayaa sheegay in maamulka Puntland uu baado una cagajugleeyo dawlada Federalka iyo Madaxda qaranka sidaas oo kalana uu ka rabo goboladda dhexe.

Isagoo ka jawaabayey hadal kasoo baxay Madaxtooyadda Garoowe ayuu sheegay in Galmudug dastuurkeedu qorayo gobolka Mudug inuu xuduud laleeyahay gobolka Nugaal balse aysan sheegan dhul aysan lahayn.

“Waxaa la yiri wareebihii la teg bertay laga dhig waa u ceeb, Puntland Dawlada federalkay baadaa, waxay baadaa madaxda qaranka madaxda qarankaa loo caga jugleeyaa madaxda qarankaa maalin walba wax aan xaq ahayn laga saxiixaa marka tiiyoo kalaa nalaga rabaa”, ayuu yiri Cabdi Qaybdiid.

“Haday dagaal ka fursan waayaan mindhaa dadka ku nool oo joogaa wax uun bay iska odhan doonaan laakiin anagu dagaal ma qabno”, ayuu hadalkiisa raaciyey.

Halkan hoose ka dhegayso Waraysi VOA la yeelatay 

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com