Dhageyso: Ugaaska Xawaadle oo war culus kasoo saaray dagaalka

Beledweyne (Caasimada Online)-Tan iyo markii dagaalada beelaha u dhaxeeya ay ka bilowdeen magaalada Beledweyne ayaa waxa dagaladaasi ay sababeey khasaaro dhimasho iyo dhaawac soo gaarsiiyay dhinacyda dagaalamayay iyo dadka shacabka ah.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ah ugaaska beesha xawaadle ayaa si adag kaga hadlay dagaaladii maalmahaan dhacayay, isagoo sheegay in dad dano gaar ah leh ay dagaalka ka wadaan Hiiraan, sida uu sheegay.

Dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada Beledweyne ayuu sheegay ineysan wax saameyn ah ku yeelan doonin gobolka Hiiraan, islamarkaana dadka gobolka qaska ka wada ay dhamaan doonaan balse Hiiraan aysan baabi’i doonin, sida uu sheegay Ugaaska.

Dhinacyadii ku dagaalamay magaalada Beledweyne ayuu ugu baaqay iney nabbada ka shaqeeyaan oo ay soo afjaraan dagaalada dadka rayika ah waxyeelada gaarsiiyay

Hoos ka dhageys codkiisa

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com