Dhageyso: Wafdi Hordhac u ah Madaxweynaha oo Kismaayo gaaray

Kismaayo (Caasimada online) Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada hoose, waxaa gaaray wafdi Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo hordhac u ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaanada ayaa ah kuwa kasoo jeeda Gobalka waxaana si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.

Shacab badan iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Degmada Kismaayo ayaa ku sugan Garoonka, kuwaasi oo diyaargaroow ugu jira soo dhaweynta Madaxweynaha oo saacadaha soo socda la filayo inuu halkaasi gaaro.

Sidoo kale Wafdigan waxaa ka sii horeeyay Wafdi uu Hogaaminayay Agaasimaha Hey’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Somalia Bashiir Maxamed Goobe, kaas oo kulan la qaatay Mas’uuliyiinta  Maamulka KMG ah ee Jubba.

Bashiir Goobe ayaa Madaxda Maamulka Jubba wuxuu kala hadlay Sugidda amniga Mdaxweynaha Somalia, waxaana Kismaayo ka soconayo Ddaalo lagu soo dhaweynayo Imaatinka Madaxweyne Xasan Sheeekh.

Ciidamo ka socda kuwa Alfa Group ayaa gaaray Kismaayo si ay u xaqiijiyaan Amniga Madaxweynaha Somalia inta uu ku sugan yahay Kismaayo , waxaana la adkeynaya Amniga Magaalada.

Taliyaha Ciidamada Maamulka Jubba Cornl: Maxamuud Qaalib,  ayaa sheegay in madaxdii Muqdisho ka timid ee hordhaca u ahaa madaxweynaha Somalia ay isla af garteen sidii loga wada qeyb qaadan lahaa Xaqiijinta Amniga Madaxweynaha Somalia.

Halkaan Hoose Ka dhageyso  Maxamuud qaalib

Maxamuud qalib

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com