Dhageyso: Axmed Madoobe oo si aad ah u amaanay madaxweyne Xasan iyo Faarax oo isna ka hadlay heshiiska

Addis Ababa (Caasimada Online) Iyadoo galabta si rasmi ah magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia loogu soo gabagabeeyay shir ay la haayeen wafuud ka kala socotay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Axmed Madoobe, waxaa la wereystay labada dhinac.

Idaacadda VOA ayaa Wareysiyo la kala yeelatay wasiirka madaxtooyada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabduqaadir oo dowladda u matalayay shirka iyo Axmed Maxamed Islaam oo ah hoggaamiyaha kumeel gaarka maamulka Jubba.

Wareysiga Faarax Maxaa ugu waaweynaa?

Wax yaabaha lawey diiyay wasiirka madaxtooyada Soomaaliya waxaa ka mid ahaa sida uu arko shirka ka dhacay  Addis Ababa.

Wuxuu ku jawaabay in heshiiska uu ku yimid siddii loo xalin lahaa mushkiladaha ka taagan Jubbooyinka, wuxuu shegay in maamulkaas uu hoggaamin doono Axmed Maxamed Islaam.

Wuxuu sheegay in Axmed Madoobe uu soo dhisi doono guddoomiyaasha Jubbada Dhexe iyo Gedo, balse dowladda ayaa la socon doona sida loo soo dhisaayo ayuu yiri.

Mar la weydiiyay in qoddobo ku saabsan sida loo maamulaya dhaqaalaha dekedda Kismaayo, wuxuu sheegay in wax la isku khilaafo aysan jirin, Dekedda in ay tahay Asset-ka dowladda ama dhaqaalaha, marka lix bil kaddib in lagu wareejin doono dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in shirka markii ugu horreysay ay soo qaban qaabiyeen isaga iyo Axmed Madoobe, wuxuu sheegay in Isfahan waa uu jiray balse markii dambe la isku raacay.

Wuxuu sheegay in arrimaha u yaalla dowladda Soomaaliya aan la rabixin in lagu mashquulo arrimahan, wuxuu sheegay in maalmaha soo socda shir lagu qaban doono magaalada Muqdisho isla markaana shir kale lagu qaban doono Kismaayo.

Axmed Madoobe muxuu Wareysiga ku sheegay?

Hoggaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam oo wax laga weydiiyay sida uu arko heshiiska, wuxuu sheegay in heshiiskan uu yahay mid albaab cusub u furaya Soomaaliya,

Wuxuu sheegay nin kasta oo raba in wax qaso in uu soo qaadanayay arrimaha Jubbooyinka, marka wuxuu yiri “ Haddii markii hore uu dhariga daboolka ka qaadnaa hadda waa la dooboolay oo ma jiri doonto meel maraq dambe lagu daarto”.

Waxaa kaloo la weydiiyay sida uu arko maamulka kumeel gaarka ee Jubba iyo magaca la isku raacay?

Wuxuu sheegay Axmed Madoobe in maamulka Jubba (Jubba Administrations) ama (Jubba Land) aanu wax isbadal ah sameeneynin magaca ee balse waxa uu qabanaayo iyo sida uu u shaqeeyo ay muhiim tahay, wuxuu sheegay oo kale in uu magacaas soo dhaweenaayo.

 Waxaa kaloo la weydiiyay sida uu ugu qancay in lix bil kaddib in garoonka diyaaradaha iyo dekedda Kismaayo lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya?

Wuxuu sheegay in wax kasta ay Isfahan yihiin, wuxuu sheegay in muddada lixda bil ee gacanta kuhayaan maamulka garoonka iyo dekedda uu socon doono wadatasho, kaddina dowladda ay soo diri doono ergo, balse wuxuu sheegay in dhaqaalaha ka soo xarooda lagu maareen doono deeganka oo aan meel kale lageen doonin.

Waxaa wax laga weydiyay in maleeshiyaadka u dagaalama iyo kooxaha kale ee ku sugan seddaxda gobal lagu daro ciidamada dowladda?

Wuxuu sheegay in uu soo dhaweenaayo haddii ciidamadaas la mideenaayo oo laga dhigaayo ciidamo qaran (Somali National Arm), balse wuxuu daboolka ka qaaday in ay jiri doonaan ciidamo gaar u ah maamulka Jubba ee madaxda ka yahay.

Ugu dameen waxaa wax laga weydiiyay caqabadaha ugu waaweyn ee shirka ku yimid kaasoo ku sigtay in uu burburo?

Axmed Madoobe ayaa sheeegay in caqabadaha ugu weyn ee labada dhinac ka hor yimid ay ka mid ahaayeen sida loo qaadan karo qoddobada qaar, balse  wuxuu  daaha ka qaaday in wafdiga dowladda Soomaaliya ay muujiyeen tanaasul iyo biseel, kuwaasoo uu sheegay in ay ka go’need in heshiis laga gaaro qoddobada la isku hayay.

Wuxuu ammaanay madaxweynaha Soomaaliya oo uu sheegay intii shirka uu socday markasta taleefon kula socday xaaladda sida meesha ay mareysay, wuxuuna intaas ku daray in madaxweynaha uu lahaa waa in Option kale la keenaa markii qoddobada qaar la isaga hor yimaado.

Sidoo kale Axmed Madoobe wuuxu sheegay in wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia uu dedaal ballaarn ugalay in uu shirka heshiis lagaaro.

Halkan ka dhageyso  Wareysi ay siiyeen VOA

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com