Dhageyso: Xog buuxda oo laga bixiyey dagaal beeleedyada Habargidir & Sade

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaalo ka qarxay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo u dhexeeya labo beelood oo wada deegaanadaas gaar ahan belaha Habargidir iyo Mareexaan.

Madaxweynaha maamulka Bartahama Soomaaliya ayaa maanta ka hadlay qasaaraha uu dhaliyay dagaal Beeledyo siyaabo kala duwan uga dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud, isgaoo ku baaqay in la joojiyo dagaalada halkaasi ka soo cusboonaadaay, iyadoo inta la ogyahay dagaaladaasi ay ku nafwaayeen in ka badan 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan.

Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey oo wareysi siinayay K24 ayaa sheegay in dagaalladaas ay salka ku hayaan aano qabiil iyo dil ay dadka reer miyiga ah horay isugu gaysteen.

“Deegaanka Kheydar la yiraahdaa tuulooyin u dhaw dhaw dagaal ayaa ka dhacay, meelo kale oo Balan-Bal u dhawna dagaalo ayaa ka dhacay saakay, runtii in sanadkan 2014-ka lagu gudo jiro ay tahay mid aan loo baahneyn, waxaana inta gacan ka geysan karta ka codsaneynaa inay wax ka qabtaan xiisadaha halkaasi ka taagan, waxaana leeyahay hala joojiyo dagaalka” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka.

Carabeey ayaa tilmaamay in dagaalladu ay yihiin kuwo ku soo noqnoqday deegaanka loona baahan yahay in laga hortago khasaare intaas ka badan oo ka dhasha dagaalka.

Dhanka kale wuxuu soo hadal qaaday madaxweyne Maxamed Xaashi Cabdi Carabey shirar ka soconaya magaalada Muqdisho oo la doonayo in maamul goboleed loogu sameeyo deegaanada gobollada dhexe isagoo sheegay dhawaan inay gaari doonaan magaalada Caabudwaaq halkaas oo ka dhici doono kulan lagula tashanayo dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa inta badan waxa uu u dhexeeya dad reer guuraa ah, iyadoo dagaal beeleedyada ay saakay ka bilowdeen deegaanno ku yaalla dhulka miyiga ah gaar ahaan deegaanka Hardis oo 30 km dhanka galbeed ka xigta magaalada Balan-bal halka deegaan kale oo isla goboolkaasi ka mid ahna uu ka dhacay dagaal kan la mid ah.

Dagaalkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo khasaare intaan le’eg ka geysta deegaannada gobollada dhexe ee Soomaaliya tan iyo markuu sannadkan billowday.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa la tacaalaysa dhibaatada ka dhalatay dagaal Beeleedyada kusoo noq-noqday gobollada dalka gaar ahaan gobolada Shabellaha Hoose, Galgaduud, Hiiraan iyo Gedo.

Halkan ka dhageyso wareysi dhameystiran