Dhageyso: Yaasiin Farey oo faahfaahin ka bixiyay shakhsiyadii Farxaan Qaroole

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Yaasiin Farey oo soo noqday Taliyaha NISA ayaa wareysi uu siiyey VOA uga waramay inta uu ka yaqaanay Jeneraal Faexaan Qaroole oo maanta lagu dilay deegaanka Basra ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Yaasiin Farey ayaa Farxaan ku tilmaamay nin dhalinyaro ah oo aad u yaqaanay dhagarta Al-Shabaab, isla markaana ay ka go’need in dalka laga tirtiro kooxdaas.

Xildhibaanka oo mar soo noqday Taliyiha NISA ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in shaqooyin iyo howgallo badan ay ka soo wada qeyb qaateen isaga iyo Farxaan, oo maanta qarax lagu dilay.

Allaha u naxariistee Farxaan Maxamuud Aadan ayaa ugu yaraan laba jeer oo hore ka badbaaday qaraxyo ay la beegsadeen Al-Shabaab.

Yaasiin Farey iyo Farxaan Qaroole ayaa kasoo mid ahaa saraakiishii uu ugu kalsoonaa Farmaajo, sidoo kale Farxaan wuxuu kalsooni ka helay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh oo si qeyn uu ula shaqeynayey mudooyinkii dambe.

Sidoo kale Yaasiin Farey oo la weydiiyey sababta ka dambeysa in saraakiisha lagu dilo furimaha dagaalka ayaa sheegay in dalka oo dhan uu dagaal galay, taas oo waajib ka dhigeysa in saraakiishu ay dagaalka hoggaamiyaan, sidoo kale wuxuu xusay in mar kasta la fila karo dhimasho noocaan ah, maadaama ay dalka ka socdaan dagaalo culus.

Hoos ka dhageyso wareysiga