Dhageyso: Xildhibaan laba kamid ah ilaaladiisa dil lagu xukumay (Sababa)?

Muqdisho (Csaasimada online) Eedeysanayaal gaaraya laba ruux ayay maanta Maxkamada ciidamada Qalabka sida waxay ku xukuntay xukun Dil ah kadib markii sida la sheegay hore dil ay ugu geysteeen Askar ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya.

Afhayeenka Maxkamada ciidanka qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya C/laahi Maxamed Muuse (Keyse) wuxuu sheegay in kadib markii dhowaan askarn ka tirsan ciidamada dowlada auy ragan dil kula dhaqaaqeen in maanta iyana lagu xukay dil toogasho ah.

Raga la dilay waxay ilaalo u ahaayeen Mudane ka tirsan Baarlamaanka SOOMAALIYA oo lagu magacaabo Xildhibaan Nuur Maxamed Xuseen sida uu sheegay C/laahi Maxamed Muuse (Keyse) Afhayeenka Maxkamada ciidanka qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya

Askarka labada ah ee ay ragaan hore u dileen ayaa la sheegay in dilkoodu uu ka dhacay Degmada Warta Nabadda gaar ahaan dhabarka dambe ee madaxtooyada Soomaaliya ee magalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka Maxkamada qalabka sida ayaa sheegay in ragani ay qirteen dilalka ay geysteen,kuwaasi oo sababta dilka ay geysteen ay ku sheegeen in horay ciidan ka tirsan Booliiska ay uqash-qashaadeen.

Ragan ayaa la filaya ain loo toogto qaab ka duwan sidii hore waxaana la qorsheynayaa in qaab sii jeed ah loo toogto sida uu Afhayeenka Maxkamada ciidanka qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya sheegay .

Halkaan ka dhageyso Codka Maxkamadda

Codka Maxkamada qalabka sida

Caasimada online

Xafiisa Muqdisho

Caasimada@live.com